Dr Maxamed Cabdi Gabboose, oo maanta warbaahinta Hargeysa kula hadlay ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay in uu waddanka ku xukumayo siyaasadeed kooxaysan oo ku qotonka qaybi oo xukun.

Gabboose, ayaa sheegay in koox yar ku qadhaabtaan magaca Jeegaanta iyaga oo aan metelayn beelaha ay ka soo jeedaan balse iyagu shaqaysta.

Gabboose, ayaa ugu danbayn talooyin u soo jeediyay madaxweyne Biixi.

1. Inaad meesha ka saarto nidaamka kooxeysan ee loo aanay-nayo
kala irdhaynta bulshada umaddana aad dhex u noqotid.
2. Inaad garawshiiyo iyo xaal ka bixisid deelqaafkii umadda ku dhaqan Sanaag-bari kasoo gaaray Janaka Ciidamada Qaranka.
3. In aad mudnaan gaar ah siiso tabashadda goboladda, Awdal, Selel
Sool iyo Sanaag-bari kuwaas oo la’aantood aanay jiri karin Somaliland.
4. In aad aan adiga iyo bulshadda laydin kala waramin, ee aad albaabada u furto.
5. In aad hoos u eegtid cabashooyinka beelaha iyo raadadka ay reebtay doorashadii.
6. In aad ka waantowdid xadhiga wariyayaasha iyo cid walba oo fekerkeeda saliimka ah cabirta xoriyadoodina usoo celisid muwaadiniinta u xidhan aragtidooda.
7. In shirka laga iclaamiyay Burco looga faa’iidaysto turxaan bixinta beelaha.
8. In aad si dhaqso ah isugu yeedho waxgaradka iyo waayo-araga umadda, kalana tashato xaalada dalku marayo iyo sidii looga bixi lahaa.