Somaliland: Xukuumadda Somaliland Oo Ka Hadashay Aragtidooda Ku Waajahan Rabshadaha Ka Socda Itoobiya

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay rabashadaha ka socda Dalka Itoobiya, gaar ahaan Deegaanka Oromada, waxayna sheegtay inay ku rajo weyn tahay in rabashadaahaasi ay ku dhammaadan nabadgalyo iyo xasilooni.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo Wargeyska Geeska Afrika wax ka weydiiyey aragtida Xukuumadda Somaliland ee rabshadaha Itoobiya ka socda iyo saamaynta ay Somaliland ku yeelan karaan ayaa ku jawaabay “Deganaasho, xasilooni iyo nabadgalyo inay  ku dhammaadan rabshadaha  socda ayaanu ku rajo weynahay, sababtoo ah Itoobiya waa Wadan aynu jaar nahay, oo aynu xidhiidh dhinacyo badan aynu leenahay, dabcan wax walba oo ku yimaadan saamayn bay inagu yeelanayaan, markaas waxaanu rajaaynaynaa in rabashadaha ka socda Deeganka Oromada inay nabada ku dhammaadan, waxaana aynu filaynaa inay Dawladda Itoobiya ay dadaal dheer u galayso sidii amaanka halkaas u islaaxin lahayd, deganaashana ay ugu soo celin lahayd”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...