Somaliland: Siyaasi Cabdilaahi Darawal Ayaa Walaac Ka Muujiyay Qabsoomidda Doorashooyinka Somaliland

Date:

Cabdilaahi Xuseen Iimaan (Cabdilaahi-Darawal) oo xilal Wasiirno kasoo qabtay Somaliland,ayaa sheegay in wakhti xaadirkan ay fadhiid noqotay Dimuqraadiyaddii Somaliland,taasna ay sabab u tahay Muddo-dhaafyadda soo noqnoqday ee Gollayaasha Qaranka iyo Muranadda hadheeyay hanaanka Doorashooyinka Dalka.

Waxa uu intaas raaciyay inay Beesha Caalamka ee Somaliland taageertaa si weyn uga niyad-jabsan yihiin Muranadda taagan ee aan dhamaadka lahyn,waxaana uu ku taliyay in loo istaago sidii waddanka halkan uu joogo looga dhaqaajin lahaa.

“ Imika Dumuqraadiyadeenii wey fadhidaa,wey istaagtay. Haddii aynu u haysano uun mooyi marka Codka la dhiibanayo,haddii aynu taas u haysano wey qaldanahay.Dimuqraadiyadu waa Nidaam dhan oo aynu doonayno inay waddanka ku horumarino oo dadku ku kala badbaado oo Nin walba Xoriyadiisa ku helo” ayuu yidhi Cabdilaahi Darawal oo Magaaladda Hargaysa kaga qeyb-galayay Dood lagaga hadlayay Furdaaminta Muranka Saami-qeybsiga.

Dhinaca kalena waxa uu walaac ka muujiyay qabsoomidda Doorashooyinka Dalka waxaana uu yidhi

“ Golle shaqanayaa ma jiro, golle la dooranayaa ma jiro,Doorasho imanaysaa ma jirto, Afartii Nin ee Komishanka ayaynu ilaa intii isku haysanay” ayuu yidhi Cabdilaahi-Darawal

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...