Somalia: Madaxweynaha Puntland oo sheegay in la xalinayo khilaafka Dowladda Federaalka iyo Jubbaland

Date:

Madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in la xalinayo sida uu hadalka u dhigay khilaafka u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.

Wuxuu sheegay in dhinacooda ay diyaar u yihiin in ay kaalin mug leh ka qaataan sdii loo dhameyn lahaa khilaafka labada dhinac, isaga oo yiri ‘’ Puntland waxey diyaar u tahay kaalinta kaga aadan xalinta khilaafka labada dhinac ka qaadato, intii ay hadda wax socdeenna qeyb muhiim ah beynu ku laheyn isku soo dhaweyntooda’’

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad diidanaa nidaamka doorasho ee Kismaayo ka dhacay, laakiin sida uu hadalka u dhigay aan miisaan badan ku dhax laheyn dadka deegaanka.

‘’Waxaa iyaguna jiray Labo ruux oo saluug ka muujiyay doorashada, iyagana markii aan u kuurtagalnay ma’aheyn miisaan badan oo bulshada ka dhax muuqday, laakiin arrimahaa dhan waxaan ku dadaaleynaa in la xaliyo ayuu yiri madaxweynaha dowlad gobolleedka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa ka mid ahaa wafuudii ka qeybgashay munaasabada caleemo saarka madaxweynaha Jubbaland, waxaana uu hadalkiisan imanaya xili wali uu jiro khilaaf u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Jubbaland.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...