Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo Qaaradda Yurub Ka Bilaabi-doona Socdaal La Magac-baxay,”Socdaalkii Midnimada Qurbo-joogta” Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa Maalmaha Soo socda safar ku tagi-doona wadamo ka mid ah qaaradda Yurub. Ujeedada socdaalka Gudoomiyaha ayaa ku qotonta Sidii uu Midnimo uga dhex dhalin-lahaa qurbo-joogta Reer Somaliland Ee ku kala qeyb-samay doorashooyinkii ka dhacay dalka. Gudoomiyaha ayaa Kulan-balaadhan Waddanka SWEDEN kula yeelanaya Jaaliyadda Reer Somaliland ee ku dhaqan halkaasi, iyadoo arrimaha ugu muhiimsan ee la isla soo qaadi-doono ay ka mid yihiin, Kor u qaadista Dimuqraadiyadda Somaliland, Adkaynta Midnimada Somaliland, iyo qodobo kale oo ku tacaluqa Qaranimada Somaliland. Gudoomiyaa ayaa Dalka Sweden soo gaadhi-doona Maaalinta Sabtida ee taariikh-du tahay, 19/10/2019.
Guddoomiyaha Xisbiga Ucid Mudane Eng Faysal Cali Xuseen Oo Qaaradda Yurub Ka Bilaabi-doona Socdaal La Magac-baxay,”Socdaalkii Midnimada Qurbo-joogta”
Date: