Somaliland: Guddoomiye Cirro Oo Madaxweyne Biixi U Gudbiyay Xubinta Uu U Xulay Guddiga Cusub Ee Doorashooyinka

Date:

Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)l ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay xubinta uu ugu tallo galay inay ka mid noqoto guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka.

Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu xisbiga Waddani ku xaqiijiyay xubinta uu gudbiyay, haddana warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Cirro uu gudbiyay in Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar uu noqdo xubinta uu xisbiga Waddani u soo xulay inay ka mid noqoto guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna wuxuu hore u  gudbiyay  in Xasan Yuusuf Ducaale uu noqdo xubinta xisbiga ee guddiga doorashooyinka.

Guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa isna gudbiyay laba xubnood oo kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Laakiin Madaxweyne Biixi ayaan weli dhammaystirin saddexda xubnood ee uu sharcigu awooda u siiyay inuu soo xulo, waxaana la filayaa inuu dhawaan golaha wakiilada u gudbiyay 7 xubnood ee loogu tallo galay inay noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...