Guddoomiyaha xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)l ayaa Madaxweyne Biixi u gudbiyay xubinta uu ugu tallo galay inay ka mid noqoto guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka.
Inkastoo aanu jirin war rasmi ah oo uu xisbiga Waddani ku xaqiijiyay xubinta uu gudbiyay, haddana warar xogogaala ayaa Geeska Afrika u xaqiijiyay in Cirro uu gudbiyay in Cabdikariim Yaasiin Sheekh Dalmar uu noqdo xubinta uu xisbiga Waddani u soo xulay inay ka mid noqoto guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka. Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa isna wuxuu hore u gudbiyay in Xasan Yuusuf Ducaale uu noqdo xubinta xisbiga ee guddiga doorashooyinka.
Guddoomiyaha golaha guurtida Saleban Maxamuud Aadan ayaa isna gudbiyay laba xubnood oo kala ah Maxamuud Daahir Jaamac (Dhoodi) iyo Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood). Laakiin Madaxweyne Biixi ayaan weli dhammaystirin saddexda xubnood ee uu sharcigu awooda u siiyay inuu soo xulo, waxaana la filayaa inuu dhawaan golaha wakiilada u gudbiyay 7 xubnood ee loogu tallo galay inay noqdaan guddiga cusub ee doorashooyinka qaranka.