Somaliland: Cirro Oo Madaxweyne Biixi Ku Cambaareeyay Sawirka Uu Xajka Kula Galay Wasiirada Muqdisho

Date:

Guddoomyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa sheegay in doorashada ay dib u dhici karto farsamo ahaan isla markaasna hadda dalku uu hayo wadadii doorasho lagu qaban lahaa.                                                                                                  Waxa uu guddoomiye Cirro ku dhaliilay  madaxweyne Biixi  sawirada uu la galay wasiirada Somaliya ee ay xajka ku wada sugnaayeen,waxa uu si adag uga hadlay xaalada dagaal ee Ceel-afweyn iyo arimo kale.                                                                                                                                                                                   Guddoomiye Cirro ayaa arimahan oo dhan kaga hadlay su’aalo kooban oo warbaahintu ku boobtay isaga oo jooga xarunta baarlamaanka, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaayay dagaalka Ceel-afweyn uu yidhi  “ Waxaan tacsi u dirayaa dadkii shacbiga ahaa ee ku geeriyooday shaqaaqadii Ceel-afweyn intii dhimatay alle haw naxariisto inta dhaawacantayna alle caafimaad hasiiyo, runtii fool xumo weyn ayay tahay arintaasi inay si joogto ah maalin walba u soo noqnoqoto iyada oo ay ku  jiraan waayeelkii, gudiyadii nabadgalyada ee loo saaray iyo ciidamadii qarankaba, waxaan ugu baaqaynaa ciidanka in nabadgalyada la adkeeyo gudiyadii iyo culimadii iyo salaadiintiina waxaanu ugu baaqaynaa in si dhaqso ah arinta loo gudo galo suurta galna maaha inay arintu iska taagnaato nabad iyo colaad la’aan, waa in nabada la soo celiyaa waa in nabadayntii la bilaabo oo ciidanku uu nabada xoojiyo, runtiina dhiigbax ayay ku tahay arinta Ceel-afweyn qaranka oo dhan, waxaan ugu baaqayaa shacabiga inay alle ka baqdaan inay is amaan galiyaan, dad walaalo ah oo ehel ah abti,seedi,

adeer,iamaadeer,ilmaabti iyo habrawadaag ah weeye qof ku faani kara inuu adeerkii ama abtigii ama seedigii dilay foolxumo weyn ayay tahay, baaqnabadeed ayaan ugu baaqayaa shacbiga gobalka Sanaag, cidii nabadgalyada khatar ku ahna waa in talaabo adag laga qaadaa.”

Guddoomiye Cirro waxa uu madaxweyne Biixi ku dhaliilay sawirka uu la galay wasiirada arimaha dibada iyo maaliyada ee Somaliya oo  ay maka ku wada sugnaayeen“ Soomaalidu waxay tidhaahdaa inaad saamo jiidiyo sanqadh tirasho kala daa, waxay ila tahay way  cadahay shacbiga reer Somaliland waa reer Somaliland anagu waa Soomaali weyn odhan mayno laakiin waxay ka muuqataa ficilkooda waxay dadka ku caayayeen inay iyagu sameeyaan ceeb ayay ku tahay.”

Isaga oo wax laga waydiiyay dib u dhaca doorashooyinka waxa uu sheegay inay dhici karaan dib u dhac farsamo“ Horta doorashadu waa ay qabsoomaysaa ayaan u sheegayaa shacbiga komishanku haddii ay waajibkooda gudanayaan oo ay madaxweynaha warqad u qorayaan inay u qoraan ayay ahayd laakiin dadka shacbiga ah  inay isa soo hortaagaan oo ay yidhaahdaan doorasho dhici mayso taasi sax may ahayn, farsamo ahaan waa ay kordhi kartaa arintuna raadkii doorashada ayay qaaday hadda, baarlamaanka waxa horyaala in la kordhiyo komishanka dabadeedna la dhiso komishankii cusbaa oo ay xilka la wareegaan 15 bisha tobnaad, haddii wakhtiga loo baahdana wax laga wada hadli karo weeye laakiin waxaanu ku talogalaynaa doorashooyinku inay wakhtigoodii ay qabsoomaan haddii laga maarmi waayana farsamo ahaan komishanka danbe ayaa ka hadli doona.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...