Deg Deg: Xaalada Dagaalka Gobalka Sanaag Iyo Xaga U Marayo Dagaalka U Dhaxeeyaha Kornayl Carre Iyo Ciidanka Qaranka + Khasaara Ka Dhashay

Date:

Deg Deg: Xaalada Dagaalka Gobalka Sanaag Iyo Xaga U Marayo Dagaalka U Dhaxeeyaha Kornayl Carre Iyo Ciidanka Qaranka + Khasaara Ka Dhashay

Aan idin siiyo Xaqiiqada dhabta ah ee Jabhadda Caarre iyo halka ay isla marayaan Ciidamada Qaranka, iyo isbedelka ku yimi wadahadaladii ay Dowladda kula jireen. • Habeenimadii xalay ahayd waxaa gaadhay Cornel Caarre in uu xagga sarre ka yimi Amar isaga lagu qabanayo, warkaas oo aan la hubin Xaqiiqadiisa kedib waxa uu ka guureeyay Deegaanka Xamaas oo 38km Ceerigaabo u jirta uu hore u joogay, Waxa uuna u gudbay dhinaca buurta Daallo afaafka laga galo buurta iyo dawga tabca ee Karin oo 18km u jirta ceerigaabo, Markaas ayayna Ciidamadu u dhaqaaqeen dhiniciisa is rasaasayn kedib waxa uu ka baxay Buurtii isagoo u gudbay dhinaca dawga tabca oo ah marinka xeebta looga gudbo, dagaal aan badnayn ayaa halkaas ku dhex maray ciidamadii daba socday iyo jabhadda oo wadatay 8 baabuur waxayna ciidamadu halkaas ku qabteen 2 baabuur oo ka mid ah maleeshiyaadkii cornelka iyo maxaabiis ilaa 6 maxbuus ah, kedib waxa uu u cararay dhinaca xeebta isagoo gaadhay magaalo xeebeeda maydh meel masaafo aan fogayn u jirta, ciidmadu waxa ay isku teedsheen buuraha habeenimadii xalay sidaas ayaana lagu kala hoyday. • Saaka subaxnimadii hore ayuu markii la kacay wax talaabo ah ma aysan qaadin ciidamada dowladu sidoo kale jabhadda kornelka oo ka kooban ilaa 70 dhalinyaro ah waxa ay u gudbren dhinaca xeebta Laasasurud oo ku taala waqooyi bari sanaag xuduudna la leh degmada Laasqoray, halkaas ayayna ku suganyihiin jabhadu, sidoo kalena ciidmada dowladdu waxa ay joogaan buuraha waqooyi ee gobolka, iyo xeebta maydh, mana jirto waqtigan wax dhaq dhaqaaq oo cusub ah. • ugu danbayn shalay ayuu buray wadahadaladii labada dhinac u socday kedib markii ay isku mari waayeen shuruudihii labada dhinac wateen oo ay ku jireen qodobo uu ka mid yahay in derejada jeneral caarre la siiyo iyo lacag gaadhaysa laba milyan oo dollar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...