Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez.

Date:

WAR-SAXAAFADEED: 18/07/2019
Madaxweyne Muuse Biixi Oo Qaabilay Safiirka Cusub Ee Midawga Yurub U Qaabilsan Dalalka Somaliland Iyo Soomaaliya Amb. Nicolás Berlanga Martínez.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka cusub ee dhawaan midawga yurub u soo magacaabay dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Amb. Nicolás Berlanga Martinez.

Kulankan ayaa daaranaa soo dhawayn iyo isbarasho, waxaanu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi uu safiirka warbixin ka siiyey xaalada guud ee dalka Somaliland iyo horumarka uu ku tallaabsanayo maalinba maalinta ka danbaysa.

Sidoo kale waxa kulankaasi lagaga wada hadlay qodobbo dhawra oo ay ka mid ahaayeen arrimaha doorashooyinka wakiillada iyo goleyaasha deegaanka, mashaariicda horumarineed ee ay midawga yurub ka wadaan Jamhuuriyadda Somaliland sidii loo xoojin lahaa loona dardar gelin lahaa, waxa kale oo lagu lafo-guray wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya oo uu madaxweynuhu u sheegay safiirka mowqifka ay Jamhuuriyadda Somaliland ka taagan tahay wada hadalo dhexmara labada dal iyo guud ahaan iskaashiga iyo wada shaqaynta midawga yurub iyo Jamhuuriyadda Somaliland ka dhexeeya.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...