Somalia: Wasiir Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Weerar Ku Soo Qaaday Somaliland “Haddii Koox Kasta Oo Tidhaa ‘Waanu Goosanayna’ Uu Dal U Soo Dhaweeyo Sidii Ay Dawlad Yihiin Oo Roog Cas U Dhigo”.

Date:

Wasiir Xukuumadda Farmaajo Ka Tirsan Oo Weerar Ku Soo Qaaday Somaliland “Haddii Koox Kasta Oo Tidhaa ‘Waanu Goosanayna’ Uu Dal U Soo Dhaweeyo Sidii Ay Dawlad Yihiin Oo Roog Cas U Dhigo”.
Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa maanta markale ka hadlay talaabada Dawladda Soomaaliya xidhiidhka ugu jartay dalka Gini ee galbeedka Afrika.

Wasiir Cawad ayaa sheegay in wadanka Gini ay roog cas u dhigtay sida uu hadalka u dhigay hogaamiye sheeganaya in uu ka go’ay Soomaaliya oo dalka kala qeybinaya, isla markaana xusay inaysan talaabada Gini marnaba waafaqsaneyn xidhiidhka caalamiga ah.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey in Dowladiisu marnaba aqbaleyn in la kala qeybiyo waxa uu ugu yeedhay midnimada Umadda Somaliyeed, isagoona digniin u direy wadamo kale oo uu sheegay inay gacan ku leeyihiin howlaha lidiga ku ah midnimada Somaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad oo arrimahaasi ka hadlayana wuxuu yidhi “Gini waxay martiqaad sida madaxda ah u samaysay hoggaamiye ku andacoonaya in uu Soomaaliya ka goosanayo oo dalka kala qaybinayo mana aha mid waafaqsan xidhiidhka caalamiga ah iyo qaraarrada ururada anaga iyo Gini-ba aanu ka midka nahay sida, UN-ka, ururka Iskaashiga Islaamka, ururka Afrikaanka”.

“Markaa waxaan u malaynaya Gini waxay u nuglaatay Pressure (cadaadis) dal-kale uga yimid iyada oo og in aanay arrintani haboonayn ayay xadgudub sameeyeen, marka anaguna waxaanu dooranay in aanu u sheegno oo nidhaahno ‘idinkama yeelayno in aad qarannimadayada meel kaga dhacdaan oo qawaaniintii la isku yaqaanay ku xadgudubtaan oo horseedaan khatar midnimada umaddayada soo wajahda iyo waliba in uu arrinkoodu dib u dhigi karo Soomaalidii oo doonaysa in ay wada-hadasho”.

Wuxuuna intaas kusii daray “Haddii koox kasta oo tidhaa ‘waanu goosanayna’ uu dal u soo dhaweeyo sidii ay dawlad yihiin waxay dib u dhigaysa in dadka Soomaalida ah wada-hadlaan, marka qofku ma helayo wax ku dhiiri gelinaya in uu Soomaaliya la hadlo haddii ay dawladuhu isaga dhigayaan red carpet (roogga cas), marka digniin aanu u diraynay bay ahayd dalkaas iyo dalalka kale ee laga yaabo in arrintaas gacan ku leeyihiin”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...