Somalia: Caarre Oo Dhawr Dalab Ka Diiday Somalia

Date:

Kornayl Siciid Caare oo cadho kaga goostay ciidamada qaranka somaliland ayaa ganafka ku dhuftay codsi uga yimid maamulka Puntland iyo dawlada Soomaaliya.

Dawlada Soomaaliya oo soo dhexmaraysa maamulka Puntland ayaa kornayl Caare u soo jeedisay inuu fuliyo qodobo ka dhan ah jiritaanka qaranimada somaliland kuwaas oo uu ka qaatay go’aan aan ka farxin dhinacyadii soo abaabulay codsiyada dhagaraysan.

Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo ka mid ah masuuliyiinta xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa Hadhwanaagnews u soo bandhigay qodobada laga codsaday kornayl Caare waxaanu yidhi “Caare iyo Puntland waxay isku mari waayeen qaabka maamulkaasi u taageerayo jabhada Kornaylka iyo wajiga uu dagaalkiisu noqonayo, Caare isaga oo Qardho jooga ayuu odhan jiray somaliland, waana geesi halyey qaran ah waana nin rag garta waayey.”

Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa sidoo kale cadeeyey halka ay isku seegeen kornayl Caare iyo maamulka Puntland oo fulinaya go’aamo laga soo faray Muqdisho waxanu yidhi “Kornayl Caare waxay isku maandhaafeen maamulka Puntland iyo dawlada soomaaliya in lagu yidhi magaca soomaaliya qaado oo aanu kugu caawino, isna waxa uu ku yidhi ma doonayo magaca soomaaliya ee somaliland is haysata ayaanu nahay ee sidaas miyaad igu garab galaysaan iyaguna waxay ku yidhaaheen maya oo somaliland ma aqoonsanin namana khusayso, sidaas ayaanu Caare ku waayey in baabuur tigniko ah la siiyo in lacag la siiyo iyo in askar la siiyo, waxaanu noqday qof mabda leh oo is yidhi dadkaaga iyo umada somaliland ha khiyaamaynin, sidaas ayaanu kaga soo baxay maamulka Puntland kuna soo galay somaliland iyada oo aanay waxba ku soo kordhin ciidankii uu la tagay.”

Kornayl Caare oo ay ciidamada qaranka isku hor fadhiyaan buurta Daallo ayaa siyaasi Cismaan Cumar Dool ku baaqay inaan tabashada sarkaalkaas iyo ciidanka la socda aan lagu xalin dagaal “Caare halka uu maanta ku jiro ninka yidhaahda halagu laayo oo weerar halagu xaliyo waa nin ka shaqaynaya in dabku sii fido, Caare waa in si macquul ah loola hadlaa oo la dhagaystaa waxa uu tabanayo.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...