Somaliland: Muj Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Hadley Safarka Madaxweynaha Somaliland Ku Tagay Dalka Guinea Conakry

Date:

Madaxweyne ku-xigeenkii ugu horreeyay ee Somaliland Mudane, Xasan Ciise Jaamac waxa uu dhmbaal Hambalyo iyo Bogaadin ah u diray Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo Madaxweynaha Somaliland iyo Weftiga balaadhan ee uu hoggaaminnaayo ku taageeray Safarka guusha badan dheliyay ee dalka guinea Conakry.

Xasan Ciise Jaamac waxaa uu sheegay in Safarka guinea Conakry ee lagu martiqaadday Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Waftigii la socday uu saamayn wayn ku yeeshay guud ahaan Mandaqadda, gaar ahaanna geeska dalalka geeska Africa, waxaannu ku tilmaamay inuu ahaa Safar guul wayn u soo hooyay Shacabka reer Somaliland.

Sidoo kale, Xasan Ciise Jaamac waxa uu labadda Xisbi mucaarid ee UCID iyo WADDANI uu ku bogaadiyay sida ay u garab istaageen Safarkii Madaxweynaha Somaliland uu ku tagay dalka guinea Conakry ee galbeedka Africa, waxaannu ku guubaabiyay inay markasta u middoobaan qaddiyadda iyo difaaca Madax-bannaanida Somaliland, isla markaanna ay isku duubnidaa kolkasta muujiyaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...