Somaliland: “Xukuumaddu Diyaar Uma Ah Inay Doorasho Dalka Ka Dhacdo, Iyadana Caalamatul Su’aal Galinaysa, Qodob Kasta Oo Ku Xidhan Qabsoomida Doorashada” Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf

Date:

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf ayaa sheegay inay Xukuumaddu aanay diyaar u ahayn Doorashada Golaha Wakiilada oo dalka ka qabsoonta.

Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Waxaa dhaqan inoo noqday inay Doorashooyinku kolba dib u dhacaan, Doorashada Wakiiladana qodob badan oo loo baahnaa in la sii dhammeeyo, ayaan ilaa hadda laga hawl-galin, sida saami-qaybsiga, maxaa yeelay Beelaha darafyadu waxay doonayaan inay Doorashada Wakiilada ku galaan saami-qaybsi, waxayna marar badan ku celiyeen in aanay galaynin Doorasho dambe oo bilaa saami qaybsiya, waxay ahayd inay Xukuumaddu mar horeba ka sii hawl-gasho, laakiin ilaa hadda umay dhaqaaqin oo caalamatul su’aal ayey galisay, waana kii Madaxweynuhu Beelaha Awdal ka codsaday in saami-qaybsi aan la sameeynin, ta kale Xisbiga Waddani wuxuu soo jeediyey in Komishankan la kala diro, oo Komishan loo siman yahay la sameeyo, balse haddana calaamatul su’aal ayaa la galiyey,oo Xisbiyada Kulmiye iyo UCID, oo hadda isku noqday Xisbi qudha, ayaa haddana doonaya in aan Komishankana la kala dirin, Doorashadana sidii hore loo galo, Xisbiga Waddani, sharci buu ku taagan yahay, sidaas oo ay tahay Xukuumaddu diyaar uma ah inay Doorashada dalka ka dhacdo, iyadana caalamatul su’aal galinaysa, qodob kasta oo ku xidhan qabsoomida Doorashada”

Xildhibaan Xuseen mar uu ka hadlaayey Somaliya ayaa yidhi “Dawladda Somaliya, dagaal bay inagula jirta, waxayna rabtaa inay ka faa’iidaysto aqoonsiga aynaan wali Caalamka ka helin, ee si wada jir ah aynu u waajahano, oo waliba si wada jir ah aynu aqoonsigeena u raadino, oo aynu Wadamada kale duwan ee Caalamka aynu ka dhaadhicino sidii dalkeena loo aqoonsan lahaa, loona tusi lahaa inaynu ka madax banaan nahay Somaliya”.

Dhanka kale Xildhibaan Xuseen Ismaaciil Yuusuf, ayaa Xukuumadda ugu baaqay in ka digtoonto cabudhinta Saxaafadda, talaabo adagna ka qaado cid kasta oo isku dayda inay ku xad gudubto dhaqanka iyo diinta islaamka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...