Somaliland: Soomaaliya Oo Lagu Eedeeyay Inay Si Qaawan U Faro-gelinayso Xidhiidhka Dalalka Somaliland Iyo Kenya

Date:

Somaliland ayaa Dawladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay inay Faro-gelin ku samaynayso xidhiidhka ay la leedahay Kenya.

War-saxaafadeed Caawa ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Somaliland ayaa lagu sheegay in Soomaaliya oo looga baahnaa inay ku mashquusho hawlaheeda gudaha, sida Amniga, Dadkeeda gargaarka bani-aadamnimo u baahan yahay iyo xasilinta dhulkeedu ay isku mashquulinayso arrimo kale oo ay ka mid tahay inay faro-geliso Xidhiidhka Somaliland iyo Kenya, sida hadalka loo dhigay.

Dawladda Soomaaliya ayaa Kenya ku eedaysay inay ku xad-gudbayso Midnimada Dhul ahaaneed ee Soomaaliya, ka dib markii Xoghayaha joogtada ah ee Wasaaradda Arrimaha dibedda Kenya oo kulan la yeeshay Wasiirka Arrimaha dibedda Somaliland uu Twitter-kiisa ku soo qoray hadal laga dhadhaminayey inay Somaliland u aqoonsan yihiin dal ka gaar ah Soomaaliya inteeda kale, waxayna farriintooda u dhiibeen Safiirka Kenya u jooga Muqdisho oo Shalay looga yeedhay Xarunta Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Muqdisho.

Hase-ahaatee, Somaliland oo Tallaabada Dawladda Soomaaliya daba socota ayaa sheegtay inay ka xun tahay arrintaasi “Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxay caddaynaysaa siday uga xun tahay ficillada Diblumaasiyadda ka arradan ee ay qaaddayso Soomaaliya, sida aan qarsoonayn ee ay u faro-gelinayso xidhiidhka laba geesoodka ah ee Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland iyo Kenya.”ayaa lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Somaliland.

Somaliland waxay Dawladda Soomaaliya ugu baaqday inay ku mashquusho danaheeda, balse aanay faro-gelin Arrimaha dalal Madax-bannaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...