Somaliland: Guddoomiye Cirro Tacsi Diray Marxuum Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali

Guddoomiye Cirro Tacsi Diray Marxuum Sheekh Cabdilaahi Cabdi Cali

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) ayaa wuxuu dhammaal tacsi ah u dirayaa, Culimo Awdiinta Dalka , Macalimiinta Madaarista, waayeelka, wax-garadka ,eheladii Qaraabadii,qoyskii iyo shacabka Somaliland isagoo ka Tacsiyadanaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha- u naxariistee Marxuum SheekhCabdillaahi Cabdi Calioo 27 /5/2019 -ka ku geeriyooday Magaalada Hargeysa

Guddoomiye Cirro ayaa Marxuumka ku sifeeyey inuu ahaa Sheekh weyn oo dad badan baray cilmiga diiniga ah, isla markaana soo saaray culimo badan oo cilimiga diiniga ah ku takhasustay, kuwaas oo bulshada ugu faa’ideeya cilmigaasi uu Sheekh Baray

Guddoomiye Cirro wuxu Alle uga baryayaa Marxuum Sheekh Cabdillaahi Cabdi Caliinuu dembigiisa u dhaafo, qabrigana u nuuriyo, Janatul Firdowsana ugu deeqo.Qoyskiisii, qaraabadiisii, asxaabtiisii, iyo dhammaan shacabka Somaliland-ba, Rabi haka siiyo samir iyo iimaan.

Comments

comments