Somalia: Wasiir Seerbiyaan Ah Oo Ka Sheekeeyay Farmaajo Oo Kursiga Ka Booday “ Qarax Dhacay Dartii “

Date:

Wasiirka Khaarajiga ee Seerbiya Ivica Dacic, ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo uu naxdin darteed kursiga ka booday, ka dib markii uu toddobaadkii hore qarax xoog weyni ka dhacay meel u dhow madaxtooyada Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda Seerbiya Ivica Dacic, ayaa toddobaadkii hore wuxuu socdaal ku tagay magaalada Muqdisho, waxaanu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin intii uu kulanku socday ayaa waxa dhacay qarax weyn oo ka dhacay meel aan ka dheerayn madaxtooyada, waxaana naxdin darteed kursigiisa ka booday Madxweyne Farmaajo, halka aanu Wasiirka Seerbiya is dhaqaajin, waxaanu Wasiir Ivica ku yidhi Madaxweyne Farmaajo, “Anagu waanu u baranay qaraxyada oo diyaaradaha NATO ayaa cirka naga duqeyn jiray”, waxaanu Farmaajo kaga jawaabay hadalkaas Wasiirka “Ma ogtahay haddii halkan ay ilaa joogi lahaayen qaar ka tirsan dawladaha reer Galbeedku inay iyagu yaaci lahaayeen.”

Wasiirka Seerbiya, wuxuu sheegay inuu mar dambe ogaaday inuu qaraxaas ku geeriyooday mid ka mid ah wasiiradii Soomaaliya ee soo maray arrimaha dibadda Marxuum Xuseen Ceelaabe Faahiye.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...