Somaliland: Ergo Guddoomiye Saleebaan Hoggaaminayey Oo Gacmo Madhan Kala Soo Noqday Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Codsi Uu ka Diiday

Date:

Xubno ergo is xil-qaantay oo ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland , isla markaana uu hoggaaminayey Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan, kuwaas oo duubka u xidhay sidii ay Madaxweyne Biixi ugu qancin lahayeen inuu xabsiga ka soo daayo Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, ayaa la sheegay in madaxweyne Biixi ku gacan saydhay dalabkooda.

Xubnaha ka koobnaa Golaha Guurtida Somaliland ayaa Madaxweyne Biixi kulan la xidhiidha arrintaasi la qaatay, haseyeeshee Xoggaha na soo gaadhaya ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi iska taagay mawqif adag , isaga oo daliillo sharci ah ku qanciyey Xubnahaasi una sheegay in aanay suurtagal ahayn in hadda Xildhibaan Dhakool laga soo daayo Xabsiga.

15-kii bishan May qoraal madaxweynaha Somaliland ka soo saaray xadhigga xildhibaanka oo afhayeenkiisa Maxamuud Warsame Jaamac saxaafadda u soo bandhigay wuxuu ku sheegay in xildhibaanku ku xadgudbay Dastuurka uu xildhibaanka ku yahay, islamarkaana xadhiggiisu yahay mid sharciga waafaqsan.

Dhanka kalene Xoggo kale ayaa sheegay in Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan uu Habeen hore kulan kula yeeshay Hargeysa Odayaasha Beesha Xildhibaanka xidhan ka soo jeedo, kuwaas oo Laascanood iyo degaanada Barriga dalka uga yimi sidii ay Xukuumadda ugu qancin lahayeen in la cafiyo oo xabsiga laga soo daayo Mr Dhakool, waxaanu si cad ugu sheegay in aan la soo daynayn Xildhibaankaa, isla markaana uu Madaxweynuhu ka diiday arrintaasi, sida ay sheegeen ilaha Waaberi ka helay warkan.

Geesta kalena illo wareed-yo kale ayaa sheegaya in Madaxweyne Biixi uu Cafiska Maxaabiista Ciida ku dari doono Xildhibaan Dhakool, hase ahaatee waxa taasi ka horaysa in la maxkamadeeyo oo xukun ku dhaco ilaa haddana ma jirto dacwad lagu oogay oo maxkamadda la keenay kadib markii golaha wakiillada iyo maxkamadda gobolka Maroodijeex ku gacansaydheen maxkamadaynta iyo xasaanad ka qaadidda xildhibaan Dhakool.

Somaliland golaha guurtida ayaa ahaa marjaca loo noqda ee masaaliixda dalka xalka ka gaadha marka ay arrimuhu adkaadaan laakiin, intii madaxweyne Biixi joogay waxay u muuqata in aanay wax door ah ciyaarin iyada oo mararka qaar la dareemo in aanay isku san banaanayn madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Saleebaan

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...