Somaliland: Jamhuuriyadda Somaliland Oo Sii Daysay 14 Maxbuus Oo Lagu Qabtay Dagaalkii Tukaraq

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi xuskii sannad-guurada 28-aad ee dib ula soo noqoshada madax-bannaanida Somaliland ee 18-ka May, waxa uu sheegay in dawladda Somaliland mar walba nabad buuxda u hayso cid kasta, sidaa awgeedna sii daynayso maxaabiistii lagu qabtay dagaalkii lagu soo qaaday deegaanka Tukaraq ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland ee maamulka farmaajo ka danbeeyay.

Tallaabadaas oo muujinaysa in Somaliland mudnaan weyn siisay amniga iyo nabadda, xukuumadda Somaliland, waxa ka go’an ahmiyadda weyn ee nabad-gelyadu leedahay, taas oo beesha caalamka iyo mandaqadda geeska Afrika u caddaynaysa sida ay Somaliland diyaarka ugu tahay xoojinta nabadda.

Haddaba, Somaliland waxa ay u aragtaa shaqaaqooyinka maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland ku waddo dawladda Somaliland in maamulka Farmaajo hurinayso.

Waxaynnu ognahay dabka ka holcaya Kismaayo, Gal-mudug, Hir-shabeelle, Puntland iyo Muqdisho uu yahay colaad iyo cadaawad uu dabada ka riixayo maamulka farmaajo, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxay xad la leedahay Soomaaliya waa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, wixii khilaaf ka yimaadda xadka Somaliland waxa ay diyaar u tahay in lagu xalliyo nabad iyo is af-garad buuxa, lagana fogaado dhibaatada laga soo maleegayo maamulka farmaajo

Ugu danbayn xukuumadda Somaliland iyadoo danaynaysa nabad ku noolaanshaa iyo deris wanaaga waxay soo jeedinay in duruufaha ku geedaaman mandaqada geeska Africa ee dhaqaale xumada fakhriga abaaraha iyo hoos u dhaca adeega aasaasiga ah laysu kaashado lagana waantoobo dagaal iyo colaado hor leh.
Liiska saamaxaada uu madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland u fidiyey Maxaabiista Dagaal ee Maamul Goboleedka Puntland ay kaga qabteen Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland dagaalkii Tukaraq, kuwaas oo kala ah:

1) Cabdi-naasir Cismaan Cali
2) Cabdi-nuur Maxamed Cabdulle
3) Maxamed Siciid Yuusuf
4) Cali Faarax Aadan
5) Maxamed Cabdi Caynab
6) Cabdi-xaafid Cabdillaahi Xalane
7) Xuseen Siciid Warsame
8) Cabdi-naasir Maxamed Nuur
9) Maxamed Abshir Aadan
10) Ibraahin Xasan Salaad
11) Axmed Maxamed Axmed
12) Siciid Ducaale Cali
13) Mahad Nuur Cali
14) Faarax Maxamed Cabdi

Wa-bilaahi Tawfiiq

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...