Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa bishii Julay ee sanadkii 2018 si weyn qayliyay kulan hoggaamiyaha xisbiga UCID magaalada Brussels ee dalka Biljimka kula yeeshay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Waxa uu kulankaasi ku tilmaamay amakaag iyo wax aan la filayn laakiin, hadda wasiirkiisa arrimaha gudaha ahna guddoomiye ku xigeenkiisa Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed ayaa difaacaya kulan uu magaalada Nairobi kula yeeshay Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo hoggaamiye ka ah xisbiga Wadajir ee Soomaaliya una ordaya madaxnimada Soomaaliya.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlayay kulankii Faysal iyo Farmaajo wuxuu yidhi “Waxa tagay guddoomiyihii xisbiga UCID maanan ogayn nagalamuu tashan, talo kumaanan lahayn waana wax inagu cusub waana arrin u baahan in dib loogu noqdo oo dib la isaga arko arrintaas, isaga iyo ciddii la socotay ba amakaag bay nagu noqotay xattaa maanan ogayn in uu baxayo isaga oo Farmaajo la jooga dee amakaag bay noqotay mana dhici karto waana la arki doona waxay ku dambeyso,” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Hadda Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si weyn u difaacaya kulanka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaanu yidhi “horta waxaad ogaataan cadowgaaga cadowgii waa saaxiibkaa, Farmaajo innagga jabhadu ayuu inoo samaystay Jabhaddo, annagu laakiin’se si ilbaxnimo leh Mucaaradkooda ayaan la sheekaysanaynaa annagu Mucaarad ayaanu nahay Mucaaradka waan u yeedhaynaa wax-baanu baraynaa sidii looga takhalusi lahaa Farmaajo ayaanu ka shaqaynaynaa haddii aanu nahay UCID iyo wixii xun ee innagu xun-ba,”

Wasiir Maxamed Kaahin oo isla aragtida Faysal sii xoojinaya ayaa yidhi “Somaaliya Jabhado hubaysan oo rag la garanayaa ku jiraan ayaa Farmaajo ay u samaysteen Somaliland , Cid Dowladda Farmaajo Mucaarad ku ah haddii ay Somaliland la kulanto denbi maaha.”

Haddii aanay dambi ahayn kulanka guddoomiye xigeenka 1-aad ee Kulmiye, ahna wasiirka arrimaha gudaha Mudane Maxamed Kaahin iyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur muxuu madaxweyne Biixi amakaag iyo ma dhacdo ugu arkayay kulankii Faysal Cali Waraabe iyo madaxweyne Farmaajo. Waxa la is waydiinaya waxa bedelay mawqifka madaxweyne Biixi oo la fahansan yahay in aanay masuuliyiinta Kulmiye iyo wasiirkiisa arrimaha guduhu qaadin tallaabo aanu la ogayn ama aanay sidan ugu soo bandhigeen saxaafadda kulan qarsoodi ahaa oo ay la yeesheen mucaaradka Muqdisho.

Waxa laga yaaba in ay tani xalaalayso la kulanka siyaasiyiinta iyo madaxda Soomaaliya iyada oo lagu sababaynayo in ay yihiin qaybo ka mid ah dad reer Soomaaliya ah oo danta Somaliland wada sida weftiga Kulmiye iyo UCID ugu sababeeyeen kulankooda Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo mabadiida xisbigiisu ku salaysan yihiin midnimada Soomaaliya iyo Somaliland.