Qaababka Xafladaha Aroos Ee Shanta Ah Ee Adduunka Ugu Yaabka Badan Iyo Dalalka Looga Dabbaal Dego!!

Date:

Xilliyada Gu’ga Iyo Xagaagu waxa ay ka mid yihiin Xilliyada sannadka ee Aroosyada ugu badani dunida dacaladeeda ka dhacaan Gaal iyo Muslimba. Sababaha xilliyadan loogu doorto in ay qabsoomaan Xafladha Aroosyadu ayaa salka ku haysa Caadooyin dhaqameed, Wakhtiyo dhaqaale iyo Arrimo kale oo badan. Waxa hadaba aad u kala duwan siyaabaha Shucuubta adduunka ku dhaqani u samaystaan Xafladaha Aroosyadooda waxaana aad u kala fog caadooyinkaasi oo qaarkood layaab leeyihiin. Sida dhaqamadoodu u kala duwan yihiin ayay Xafadaha Aqal-galkoodana u samaystaan siyaabo aad u kala duwan. Qormadan kooban waxa ay ku soo qaadan doonaan afar Shacab oo hababka ay Xafladda aqal galkooda u samaystaan aad u Cajaa’ib badan tahay.

Maraykanka Iyo Dhadhamada Afarta Nooc: Wadanka Maraykanka waxa ku nool Qowmiyado aad u farabadan oo asalkoodu ka soo kala jeedo qaarado badan oo adduunka ah, kuwaasi oo dalkaasi ku wada dhaqan.

cunt

Hadaba Caadooyinka dadka dalkaasi degan qaar ka mid ahi u samaystaan Xafladda Aqal galkooda ayaa noqotay arrin aad u yaab badan. Qaar ka mid ah Qabaa’ilka Asal ahaan ka soo jeeda Qaaradda Afrika ee dalka Maraykanka degani waxa ay xafladda Arooskooda sameeyaan in Labada Aroos ee Aqalgalkooda la samaynayo loo diyaariyo Afar Shay oo dhadhankeedu Kala yahay: Macaan, Qadhaadh, Dhanaan iyo Kulayl. Afartan shay ayaa weel inta lagu soo shubo miiska loo saaraa loona diyaariyaa in labada Lammaane dhadhamiyaan mid kastana hal mar qantuugo. Aroosku waxa uu marba mid rudhayaa Walxahan la saaray miiska ee isugu jirta afarta nooc. Ujeedada afartan shay sidan loogu diyaariyay ayaa ah in labadan lammaane loo sheego in ay noloshooda Qoysnimo ay waajahi doonaan oo waayaha Noloshu isugu jiro Macaan, Qadhaadh, Dhanaan iyo Kulayl. Mid kasta oo soo marana looga baahan yahay in ay sida uu yahay ay ula macaamilaan waayaha nolosha ee dhadhamada kala duwan leh.

Geesihii Hinaasaha Iyo Midabka Cad Ee Caruusadda Japan: Dalka Japan ehelada Haweenayda Aroosaddu waxa ay Caruusadda jidhkeeda dhammaan ku soo dhabooqaan oo ay u mariyaan midab cad iyaga oo ujeedadoodu tahay sidii ay u muujin lahaayeen in gabadha laga guursanayaa tahay Gashaanti aan nin hore soo marin.

waynakaa

Waxa kale oo ay u labbisaan toob dheer oo adag oo midabkiisu caddaan yahay iyo Laba Gees oo cadcad oo laga taago madaxa haweenayda Caruusadda ah. Labadan Gees waxa ay uga jeedaan Hinaasaha iyo in haweenka Japan aad u Hinaase badan yihiin. Midabka Cad ee Toobkuna waxa uu muujinayaa oo calaamad u yahay sida ay ninkeeda ugu noqon doonto mid mudeecad ah oo dhego nugul hadalkiisana maqasha. Marka labada lammaane hoygooda la soo gelinayo waxa ay albaabka ku wada cabbaan koob biyo ah oo ay isku mar afka wada saaraan iyada oo looga jeedo in ay sidaa u wada noolaan doonaan inta noloshooda ka hadhay.

Habeenkii Madoobaa Ee Scotland:

scotland

Shacabka ku dhaqan wadanka Scotland ee Carriga Boqortooyada Britain waxa ay caado u leeyihiin habeenka aqal galkooda in ay sameeyaan in ay labada lammaane ee la isu aroosayo saacado ka hor ku dul shubaan walxo madaw oo la isku laaqay oo qudhun iyo Gudaafad ah si ay uga baantaan Sixir, Il iyo waxyaabo kale oo ay aaminsan yihiin in walxahaasi daawo uga yihiin labadan lammaane ee la isu dhisayo. Waa taariikh soo jireen ahayd in shacabka wadanka Scotland sidan u sameeyaan iyaga oo aad uga cabsi qaba in la sixro ama waxyeelo kale oo dhinaca ruuxda ah la yeelo labadan lammaane ee lagu farxay guurkooda sidaa darteed waxa ay caado u leeyihiin in ay isku badhxaan walxo hadhaaya sida hadhaaga Kalluunka gaar ahaan uur ku jirtiisa waxa kale oo ay soo qaataan hadhaaga walxo qudhmay oo midabkooda la madoobeeyey laguna badhaxay baalal shimbirood. Hadhaaga walxahan waxa ka mid ah caano xumaaday, beed qudhmay iyo qalka khudradda cagaaran. Intaa oo dhan waxa midabkoodu noqday markii la isku badhxay ee walxo kalena lagu daray midab madaw waxaana dhakada lagaga shubaa labadan lammaane inta meel la soo fadhiisiyo. Caadadan ayaa qarniyo badan soo jirtay waxaanay tani meesha ka saaraysaa sida ay aaminsan yihiin in la ileeyo oo waxyeelo la gaadhsiiyo labadan lammaane iyaga oo aaminsan in qudhunkan lagu dul shubay wax weyn ka tarayo sixirka.

Oohintii Arooska Ee China; Caado waliba layaabkeeda lehe wadanka Shiinaha dadka ku nooli waxa ay caado u leeyihiin in haweenkoodu oohin ku soo dhaweeyaan maalmaha la filayo in labada lammaane la isu hooyo.

chaina

Maalinta la qabto ballanta aqal galka soddon maalmood ka hor waxa tobankii cishaba dhacda oohin gaar ah. Saddex jeer oo min toban cisho ah ayaa haweenku siyaabo kala duwan u ooyaan oo qoyska aqal galaya oohin ku soo dhaweeyaan iyaga oo aaminsan in ay arrintani muujinayso jacaylka ay u qabaan labadan is calmaday. Tobanka cisho ee bishan oohinta ugu horreeya waxa goobta loo qorsheeyey aqal galka xafladdaasi Oohin la tagaysa Hooyada dhashay Caruusadda iyo inanteeda lafteeda oo wada socda. Ugu yaraan 5 saacadood oo xidhiidh ah ayay halkaasi ku soo ooyayaan. Tobanka cisho ee xigta waxa isa soo raacaya Inanta Aroosadda ah, Hooyadeed iyo Ayaydeed sidaasaanay oohin ku dhammaysanayaan maalin kasta. Tobanka cisho ee bisha ugu dambeeya waxa isa soo raacaya dhammaan ciddii ka nool haween ehelka Inanta Aroosadda ah sida Habaryaraheed, Eedooyinkeed, Habrawadaagaheed, Ilmaabtiyadeed, Mocoydeed, Walaalaheeda gabdhaha ah, aduu dhammaan ehelada haweenka ah ee Haweenayda lala aqal galayo waxaanay tobankaa cisho ee ugu dambeeya si xidhiidh ah ugu soo noqnoqdaan goobta la filayo in Xafladda Aroosku ka dhacdo iyaga oo oohin dhabanadu murxeen. Waa caado layaab leh sidaasaana lagu gaadhaa Aqal-galka iyo fantasiyaha arooskaasi.

Garaacistii Kalluunka: Caadooyinka layaabka leh ee wadanka Kuuriya ka jira ee dhinaca U diyaar garawga xafladda Arooska waxa ka mid ah iyaga oo ninka Caruuska ah inta ay sharabaadada ka saaraan ugu gura Hilibka nooc ka mid ah Kalluunka aadka looga jecel yahay wadankaasi oo lagu magacaabo Korvina kadibna ay Guntaan la dhacaan jidhkiisa muddo 12 cisho ah aqal galkiisa ka hor. Waxa ay hilibkan kalluun ee sharabaabada laga buuxiyay kala dhacaan dhamaan jidhkiisa iyaga oo aaminsan in ay tani tahay rajo loo rajaynayo nasiib wanaagsan iyo nolol raaxo leh oo ay ku waaraan isaga iyo haweenaydiisa cusubi. Waa caado layaab leh oo aan dunida kale laga aqoon una muuqata mid cawaanimo ah. Ra’iisal wasaare ku xigeenka wadankan oo wax laga waydiiyay caadada ay dadkiisu arrintan u leeyihiin ayaa sheegay in isaga oo 32-jir ah markii ugu horraysay uu guursaday uu xasuusto sidii sharabaadada hilibka kalluunka ah lagu guray loola dhacay taasi oo uu ku tilmaamay caado kumanaan sanadood ay soo lahaayeen dadkiisu muujinaysana sida ay u jecel yihiin in ay ugu duceeyaan qofka guursanaya waxa kale oo uu xusay in xukuumaddu dhiiri geliso caadooyinka noocan oo kale ah.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...