Weftigii Xisbiyada Oo La Kulmay Shan Safaaradood Oo Reer Yurub Ah

Date:

Wefti shan xubnood ka kooban oo ka socda xisbiyada KULMIYE iyo UCID, ayaa iyagoo ku sugan magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxay shalay la kulmeen guddoomiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya Aadan Barre Ducaale iyo safiirada Midowga Yurub ee jooga Nayrobi.

Weftigan oo ka kooban guddoomiyaha UCID Faysal Cali Waraabe, murashixii madaxweyne-xigeen ee UCID Axmed Cabdi Abyan, Wasiirka daakhiliga Maxamed Kaahin oo sidoo kalena ah guddoomiye-xigeenka KULMIYE, Axmed Cabdi-dheere oo ah guddoomiye-xigeenka 2aad ee KULMIYE iyo siyaasiga Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, waxa ay guddoomiyaha aqblabiyada Baarlamaanka Kenya uga warameen xaaladda ay Somaliland marayso iyo marxaladihii ay soo martay.

Safiirada Midowga Yurub ee ay la kulmeen waxa la sheegay inay kala hadleen xaaladda dimumqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland iyo sida ay ku qabsoomi karto doorashada golaha wakiilada iyo deegaanka oo inkastoo dabayaaqada sannadkan loo qoondeeyay haddana ay horyaalaan caqabado dhawr ahi.

Safiirada ay labada xisbi shalay la kulmeen oo ka dhacday xarunta safaaradda Denmark ayaa kala ah, Denmark, Finland, Sweden, Germnay iyo Ingiriiska.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...