Somaliland: Abwaan Weedhsame oo si cajiiba uga hadlay wiilkii lagu xiray calanka Somalia

Date:

Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame) oo kamid ah hal-abuurka caanka ah ee reer Somaliland, ayaa ka hadlay xariga ay ciidamada Somaliland ay kula kaceen wiil dhalinyaro ah oo ku labisnaa dhar calanka Soomaaliya ah.

Abwaan Weedhsame ayaa waxa kale oo uu ku baaqay in si mug leh loo baaro sababta xiligan oo 18-May u diyaar-garoowayan reer Somaliland keentay in wiil dhalinyaro ah uu calanka Soomaaliya ku labisto.

Abwaan Weedhsame ayaa arrintaasi kaga hadlay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa Facebook, wuxuuna u dhignaa qoraalkiisu sidan:

“Adduunyada ma jiro qof miyir qaba oo sabab la’aan wax isaga sameeyaa. Sidaas darteed, wiilka calanka Soomaaliya soo xidhayna sababtuu u xidhay baa jirta
Haddaad tidhaa “Maxaa adiga kaa quseeya ee aad ka raadinaysaa sababta uu u xidhay, saw xor maaha oo wuxuu doono ma xidhan karo?” Dabcan, Hadduu xor u yahay inu wuxu doono xidho, kolkaas dadweynuhuna saw xor uma aha inay iska dhex qabtaan qofka kasta oo ay doonaan?

Haddaad tidhaa “Halkaynu ku dhiganay Sharciga diidaya in la xidho calanka Soomaaliya?” jawaabta oo fududi waxay tahay: Halka aynu ku dhiganay sharciga inoo diiday in aynu bijaamaha lagu seexdo ku shaqo tagno, ayeynu kana ku dhiganay. Soo baadh goobta iyo goorta Sharciyadaasi aynu dhiganay!!!!.

Weliba waynu ognahay in aanu adduunka korkiisa jirin dal, dadkiisu leeyihiin xorriyad bilaa xad ah”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...