Tartanka Qur”aanka Ee Shirkada Dahabshiil Oo Hargeisa Ka Furmay

Masjidka Cali Mataan Ee Magaalada Hargeysa Waxa Si Rasmi Ah Uga Furmay Tartanka Xifdiga Quranka Kariimka Ah Ee Ay Maali Galisay Shirkada Dahabshiil
Tartankan Oo Ah Tartanka Ugu Mudada Dheer Tartanada Xifdiga Quranka Kariimka ah Ee Lagu Qabto Somaliland Waxa Ka Soo Qayb Galay Ardayda Tartanka Ka Qayb Galaysa Oo Ka Kala Socday Gobalada Somaliland
Guddiga Garsoorka Iyo Dadka Soomanba Guddoomiyaha Guud Ee Tartanada Xifdiga Quranka Kariimka Ah Sheekh Maxamed Aadan Aya Waxa U Sharaxaad Ka Bixiyey Tartankaasi. Waxaanu Yidhi Sidan
Masjidka Cali Mataan Iyo Masjidka Rusheeye Waxa Inuga Furmay Tartankii Quranka Kariimka Ah Ee Shirkada Dahabshiil Ay Maali Galinaysay
Tartankani Waa Tartanka Ugu Dada Weyn Tartanada Lagu Qabto Somaliland Waana Tartan Soo Bilaabmay 1992kii Ila 1999kii Waxay Ahayd Tartan Bilow Ah Oo Ay Mararka Qaarkood Daruufihii Dalka Ka Taagnayd Ay Inaga Joojisay
Wiixi 1999 Ka Danbeeyey Ila Sanadka Maanta Ah 2019 Ka Waxa Si Toos Ah U Maal Galiya Oo Runtii Ducada Iyo Ajriga Ka Shaqaystay Ardayda Yar Yar Ee La Dhiiri Galinayow Shirkada Dahabshiil
Sido Kala Sheekh Maxamed Aadan Guddoomiyaha Guud Ee Tartanada Xifdiga Quanka Kariimka Ah Aya Waxa U Xusay Kaalinta AY Dhalinyaradu Ka Qaatan Xifdiga Quanka Kariimka Ah Iyo Sida Uu Soo Jiitay
Runtiii Waxa U Tartankani Keenay Guulo Badan Oo Ka Mid Ah Inay Dhalinayaradii Ku Dhiiratay Qurankii Kariimka Ah Inay Xifdiyaan
Waxa Ka Mid Ah Iyada Oo Dhalinyardii Gobaladu Ay Is Bartaan Jawaaista Lagu Bixiyo Waxa Ugu Qiimo Badan Ardayga Ugu Sareeye In La Geyn Doono Xajka Arday Yar Oo Quranku Kor U Soo Qaday Oo Isaga Oo Yar Xajay Waa Qiimo Weyn
Waxaan U Mahad Naqayah Cid Kasta Oo Nagala Qayb Qaadatay Oo Ay Ugu Horeeyan Gudiyada Qaban Qaabada Iyo Garsoorka Waxa Aana Ilaawi Karin In Warfaafinta Si Guud Si Gaar Ahna Waxan Ugu Mahad Naqayah Idaacada Quranka Kariimka Ah Oo Si Toos Ah Uga Sii Daysay Iyo Idaacada Radio Hargeisa Tvga Qaranka Iyo Tv yada Kala Ee Nagala Qayb Qaatah