Somalia: Shirkii Maamul Gobaleedyada Somalia Oo Lagu Kala Kacay Ee Ka Socday Garoowe

Date:

Shirkii dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada muddada toddobaadka ah uga socday magaalada Garoowe ayaa lagu soo warramaya isfaham-waa inuu ku dhammaaday,taas oo dhalisay inay maantaba ka ambabaxaan magaalada Garoowe qaar ka mid ah madaxad dowlad-gobolleedyada.
Maamul-gobolleedka Galmudug oo qeyb ka ahaa kulan ayaa war-saxaafadeed ka soo baxay lagu sheegay in uu ‘fashilmay shirkaasi’, wuxuu inta ku daray warsaxaafadeedka in dowladda Federaalka Soomaaliya ay diidday inay ixtiraamto heshiiska Jabuuti ee u dhaxeeyay Galmudug iyo Ahlu Suna.

Galmudug ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Federaalka ay qaaday tallaabooyin ay ku xagal daacisay ajandayaashii loo madlanaa sida sharciga Doorashooyinka, Batroolka iyo arrimaha Dastuurka, isla markaana hoggaanka dowladda aysan rabin wadashaqeyn dhex marta dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada, si xal looga gaaro arrimaha Masiiriga u ah mustaqbalka dhismaha Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka martigeliyay ayaa la sheegay inuu dadaal ku bixiyay sidii natiijo mira-dhal ah looga gaari lahaa wada-hadallada toddobaadka qaatay, balse ugu dambeyn ma jirto illaa hadda wax natiijo ah oo shirka ka soo baxay.
Kulankan wuxuu ahaa mid isha lagu hayay, maadddama ay ka qeybgalayaan madaxweyne Farmaajo, ra’iisul wasaaraha xukuumadda, madaxda dowlad-gobolleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir,iyadoo isfaham-waaga la sheegay inuu ku dhammaaday ay sii murjinayso xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo rajada laga qabay inay isku soo dhawaadan dowladda federaalka iyo dowlad-gobolleedyada.
Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa la sheegay inay hadda diyaarad  u taagantahay garoonka diyaaradah ee Garoowe, halkaas oo lagu waddo goor dhow inuu ka ambabaxo, sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa isna la filayaa inuu maanta ka dhoofo Garoowe.
Illaa hadda ma jiro war ka soo baxay dowladda federaalka iyo madaxweynaha Puntland ee shirka martigeliyay, oo faahfaahin ka bixinaya xaaladda shirka iyo waxyaabaha dhaliyay in mugdi lagaliyo natiijo ka soo baxda shirka.
Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...