Ra’iisal Kheyre oo dib ugu laabtay Muqdisho kaddib shirkii Garoowe ee lagu soo kala tagay

Date:

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa galabta dib ugu laabtay magaalada Muqdisho kaddib shirkii fashilka iyo is afgarad la’aanta ku soo dhamaaday ee magaalada Garoowe uga socday madaxda Soomaalida Shantii cisho ee la soo dhaafay.

Ra’iisul Wasaaraha waxaa garoonka uga hortagay kuna soo dhaweeyay wasiiro ka tirsan xukuumaddiisa, iyadoo aanu wax hadal ah siin warbaahinta ayaa loo galbiyay Madaxtooyada.
Madaxdii ku sugneye Garowe ayaa si kala gaar gaar ah isaga soo huleelaya magaalada Garowe, waxaa saaka ka soo tagay Madaxda Maamulada Jubbaland iyo Galmudug oo kala aaday Kismaayo iyo Nairobi.

Waxaa sidoo kale magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay subaxnimadii hore ee saakay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaay Yariisoow oo shirkaa ka qeybgalay.

Laakiin madaxweynaha dowladda Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo ayaa wali ku sii sugan magaalada Garoowe, halkaa oo la sheegay in labada cisho ee soo socta uu sii joogi doono madaxweynuhu.

Shirka Garoowe ee u dhaxeeyay dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada ayaa natiijo la’aan ku soo dhamaaday, kaddib markii la isku fahmi waayay qodobadii laga hadlayay, waxaana caqabadaha ugu weyn ee Shirka hareeyay ka mid ahaa arrinta Maamulada Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweynayaasha Galmudug iyo Jubbaland oo ka hadlay fashilka shirka ayaa eedda dusha uga tuuray madaxda dowladda federaalka oo ay ku tilmaameen kuwo markii horeba aan daacad ka aheyn heshiis iyo is afgarad laga gaaro qodobbadii laga wada hadlayay.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...