Xaaji Cabdi Waraabe Oo Goor Dhaweyd Ku Geeriyooday Magaalada Hargeisa

Waxaa Hadda la xaqiijiyay Geerida Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe ), oo Hargeysa ku geeriyooday.
Taliyihii Hore waaxda Socdaalka Somaliland Maxamed Cali Yuusuf (maxamed Cambaro) oo ehelka Marxuum Xaaji Cabdi ka mid ah ayaa Horn Cable TV u xaqiijiyay Geerida Marxuumka ku timi.

Marxuum Xaaji Cabdi Xuseen waxaa aad ugu Suntanaa Taariikhda Nabadda iyo dib u Heshiisiinta umadda Soomaalida gaar ahaan dhismaha iyo Xasilinta Somaliland ayuu wakhtigiisa oo dhan ku bixiyay

Waxaana uu muddo dheer ahaa Mudanaa ugu Da’da wayn Golaha Guurtida Somaliland.

Inaa lilaahi wa inaa ilayhi Raajicuun.

HCTV.

Comments

comments