Somalia: Puntland Oo Baajisay Kulan Madaxweyne Farmaajo uu kaga Qeyb Gali Lahaa Garowe

Date:

Wararka ka imaanaya magaalada Garowe ayaa sheegaya in maamulka Puntland uu baajiyay kulan madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu kaga qeyb gali lahaa magaaladaasi.

Kulankaasi ayaa ahaa mid dadweynaha Puntland uu madaxweyne Farmaajo uu kagala hadli lahaa Hanaanka doorashada dalka iyo Doorka Bulshada ay ku leeyihiin, waxaana kulanka la sheegay in Hay’ad Puntlad laga leeyahay ay soo qaban qaabisay.

Waxaa kulanka soo qaban qaabiyay Hay’ad magaceeda lagu sheegay Center For Policy Alternatives, hayeeshee ay abaabulka kulankaasi lahayd Madaxtooyada Soomaaliya ayaa laga doonayay in looga hadlo hanaanka doorashada dalka iyo kaalinta dadweynaha.

Lama oga sababta go’aanka joojinta kulankaasi ay u qaadatay Puntland waxaase soo baxaya warar sheegaya in kulankaas aan lagu wargelin mas’uuliyiinta dowlad Goboleedka Puntland.

Xalay ayaa Magaalada Garoowe waxaa aad looga hadal hayay kulankaas uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo balse Puntland ay joojisay, waxaana taasi ay qeyb ka aheyd khilaafka xilligaan dowladda Soomaaliya kala dhaxeeya qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada.

Madaxtooyadda Soomaaliya ilaa iyo hadda kama hadlin kulanka xalay la  joojiyey ee uu ka qeyb geli lahaa Madaxweyne Farmaajo kaas oo uu la yeelan lahaa Bulshada qaar ee Magaalada Garoowe,kaas oo lagu joojiyey amar kasoo baxay Madaxda Sare ee Puntland.

Sidoo kale Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Puntland, taasi oo la xiriirta joojinta kulanka ka dhici lahaa magaalada Garowe.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...