Somalia: Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Kusii Jeeda Magaalada Garoowe

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saacadaha soo socoda waxa ay ku wajahan yihiin Magaalada Garoowe ee Caasimadda maamulka Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Garoowe waxaa uu kaga qeyb geli doonaa Shir wadatashi ah oo uu iclaamiyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni,isla markaana la isugu yeeray Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Shirkan u dhexeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka ayaa waxaa looga hadli doonaan arrimo ay kamid yihiin sidii xal looga gaari lahaa Khilaafka u dhexeeya labada dhinac iyo arrimo kale oo ku aadan siyaasada dalka.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Garoowe gaaray Madaxda Maamul Goboleedyada sida Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe),Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen,Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,waxaana weli gaarin halkaasi Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo isna kusii jeeda Maanta,waxaana Garoowe shalay gelinkii dambe gaaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Ammaanka guud ee Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana meel walbo la dhigay Ciidamo gaar ah oo loogu tala galay sugida amniga Magaalada inta uu socdo Shirkaasi Maanta ka furmaya Garoowe.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...