Ciidamada ammaanka Somaliland ayaa maanta xabsiga u taxaabay 8 qof oo ka mid ah qoyska ku doodaya in ay leeyihiin goobta laga dhisaayo madaxtooyada cusub ee galbeedka Hargeysa.
dadka la xidhay waxa ku jirta inan ( gabadh ) uu dhalay wasiirka warfaafinta Somaliland iyo qaar kale oo eheladiisa ah.
Odayga dhulka sheeganaya in laga qaaday ee Maxamed Xasan Dalab waxa uu sodog u yahay wasiirka warfaafinta Somaliland.