23 bishani sii dhamaanaysa ee January, ee sannadkan 2019, ayaan boggaygani Facebook oo ay ku xidhanyahiin 14000 (Afar iyo toban kun oo qof) oo iskugu jira, 5000 oo qof oo si rasmi ah liiskayga uga mid ah, iyo tiro 9500 oo qof (sagaal kun iyo shan boqol oo qof) oo ah Followers iyo content followers kayga, boggaygu wuxuu sidoo kale u furan yahay ugu yaraan 5 malyuun oo qof oo ku hadla luuqadda afka Soomaaliga waxaan ku weydiiyay su’aal ahayd ama u dhigmaysay sidani
“Haddii maanta markale doorashada madaxtooyadda Somaliland dhici lahayd yaad u codayn lahayd”
1) Muuse Biixi Cabdi 2) Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro
Weydiintani oo aan u sameeyey cod uruuriye (Poll), ayaa waxay dadka u furayd muddo todoba maalmood ku siman, waxaana codkooda dhiibtay dad gaadhaya 1100 qof (Kun iyo boqol qof) oo %98 dadkaasi ay yahiin reer Somaliland.
%70 dadka codka dhiibtay, waxay ku suganyahiin gudaha Somaliland, waxaana ay celcelis ahaan da’doodu u dhexaysa 18 sanno jir ilaa 60 sanno jir.
%70, dadka codkooda dhiibtay waxay ahaayeen rag, halka %30 ay ahaayeen dumar,
Natiijadda Codbixinta
Natiijadda codbixinta oo soo xidhantahay laba cisho ka hor, ayaa %60 dadkii codka dhiibtay oo tiro haddii loo rogo noqonaysa 637 qof, waxay codkooda siiyeen oo ay madaxweyne u dooran lahaayeen Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, haddii ay maanta doorasho dhici lahayd.
Halka %40, oo u marka tiro loo rogo noqonaysa 419 qof, ay codkooda siiyeen Muuse Biixi Cabdi, oo hadda ah madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
Mucjisadda Natiijadda.
Muddo seddex usbuuc ka hor doorashadii madaxtooyada ee Somaliland ka qabsoontay November sannadkii 2017, ayaan sidan oo kale codbixin u qaaday, dadkii marka codkooda dhiibtay, ayaa %60 ka mid ahi, waxay waagaas codkooda siiyeen Muuse Biixi Cabdi, halka %40 cod ku dhawna uu hellay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Waagaasi, markii natiijaddii doorashadii madaxtooyada Somaliland soo baxday, natiijaddii codbixintii aan qaaday, iyo natiijaddii doorashadu aad ayey iskugu dhawaadeen.
Laakiin sannad iyo laba bilood ka dib, waxay u egtahay in shacabka Somaliland ay ra’yigoodii doorashada wax badan ka bedeleen, iyadoo natiijadda hadda soo baxday,ay natiijaddii doorashadii November 13 keedii dhacday iyo codbixintii aan qaaday waagaasiba ay ku noqonayso cakis (the opposite side).
Arrimaha ugu layaabka badan, ayaa ah, ugu yaraan laba boqol oo ka mid ah dadkii u codeeyey codbixintii aan qaaday 2017 kii Muuse Biixi Cabdi, ayaa codbixintan aan qaaday 23 January is bedelay oo u codeeyey Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Haddaba Maxay Dadku Isku Bedeleen Muddada Kooban.
Muddadii ama wakhtii codbixintu socotay, ayaan bartilmaameedsaday inaan si gaar ah u weraysto, dadka ra’yigooda bedelay, ee doorashadii 2017 u codeeyey Muuse Biixi Cabdi, laakiin haddii maanta doorasho dhici lahayd u codayn lahaa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Waxaan weydiiyay waa maxay sababta ay sida degdega ah u bedeleen mawiqfkooda?
Badiba waxay ku jawaabayeen, in madaxweynaha iyo xukuumadiisuba ay ka baxeen ballamahii ay qaadeen wakhtigii doorashada, isla markaana uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, uu dalka geliyay ayey yidhaahdeen seddex carqaladood oo uu isagu shakhsiyan u sabab yahay, seddexda carqaladood ayey ku sheegeen
1) Go’doon siyaasadeed (Political Isolation), iyagoo isticmaalay kelmadda “quful”.
2) Kala Qaybin siyaasadeed oo bulshada dhexdeeda Somaliland (Political and social Polarisation)
3) Cakirnaan dhaqaale (Economical stagnation).
Markaan weydiiyay, in Cabdiraxmaan Cirro, uu ka duwanaan lahaa Muuse Biixi Cabdi, %70 waxay ii sheegeen, inuu ka duwanaan lahaa, halka %30 ay sheegeen inaanay garanaynin.
Ugu Danbayn natiijadda doorashadani waxay soo saartay in shacabka Somaliland sannad iyo badh ka dib, uu ra’yigoodu aad isku bedelay.