Somalia: Shariif Sheekh Axmed oo goor hore ku sii dhawaaqay in uu yahay musharax madaxweyne sanadka 2020 ka

Date:

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa goor horeba sii sheegay in uu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya marka la gaaro doorashada sanadka 2020-2021ka.

Waxaa uu sheegay in uu mar kale u tartami doono xilka madaxweynaha Soomaaliya si dalka looga badabaadiyo Al-Shabaab iyo Kooxaha kale, madaama uu sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yaqaan sida uu hadalka u dhiggay wax-qabadkiisa wanaagsan.

Sababta uu mar kale isku soo sharaxay ayuu ku sheegay in qaar ka mid ah bulshada Soomaaliyeed ka dalbadeen in uu mar kale isku soo sharaxo xilka ugu sareysa dalka ee madaxweyne.

“Awood la’aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay inaan markale siyaasadda ku soo laabto.”ayuu u sheegay wargeyska Standard Digital Shariif Sheekh Axmed.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray Musharax Shariif in dowladda hada jirtaa aysan waxba u qaban dalka.

“Waxaan cadeynayaa in aan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Inkastoo dowladda hadda jirta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u harsan tahay wax ka badan Labo sanadood ayaa hadda dhinaca kale waxaad moodaa in uu dalku gallay olole doorasho marka la eego isbaheysiyada sameysmaya iyo hadallada ay warbaahinta isku marinayaan hoggaamiyayaasha dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...