Somaliland: Xukuumadda Iyo Xisbiyada Oo Isfahan Ka Gaadhay Doorashadii Dib U Dhacday

Date:

Kulan Caawa Qasriga Madaxtooyada ay ku yeesheen Madaxweynaha Somaliland, Md. Muuse Biixi Cabdi, Hoggaanka Xisbiyada Qaranka, Madaxweyne ku-xigeennadii hore iyo Ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa waxa lagaga wada-hadlay dib u dhaca ku yimid Doorashooyinka Wakiillada iyo deegaannada.

War-saxaafadeed uu Afhayeenka Madaxtooyadu soo saaray markii kulankaasi dhamaaday ayaa u qornaa sidan “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah.

kulankan uu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan.

Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran:

  1. In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka.
  2. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada.
  3. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka.
  4. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado.”

 

ALLAA MAHAD LEH 

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...