Ciidamada amniga Boorama ayaa xabsiga saldhigga Bileyska Boorama u taxaabay ku dhawaad lix weriye oo ka hawlgala warbaahinta madaxabannaan ee G/awdal .Xadhigga Weriyayaashan ayaa ka dambeeyey kaddib markii ay isku dayeen inay sawiiro ka qaadaan arday ka tirsan dugsiga dhegeoolayaasha Boorama oo cabasho la hortegey xarunta maamulka G/awdal ee Boorama ,taasoo ka cadhaysiisay Badhasaabka gobolka kaasoo sida la sheegay saraakiisha ciidanka gobolka ku wargeliyey inay tallaabo ka qaadaan weriyayaashan sidaana loogu xidhay.
Weriyaashan ayaa xorriyadooda loosoo celiyey cabbaare 1dii duhurnimo ee maanta weriyayaashan ayaa sii Deyntooda waxa dedaal ka galay Taliyaha ciidanka Booliska dalka ,taliyaha qaybta Booliska G/awdal,Ururka suxufiyiinta SOLJA iyo Badhasaabka gobolka kuwaasoo wadatashi dhexmaray ku go’aansasaday siideyntooda.
Waa markii u horreysay ee Boorama lagu xidho tiro suxufiyiin intaa le’eg oo hawshooda gudanaya .
Ardaydan mudaaharaadaysay ayaa dhowr jeer oo horeba cabashooyin noocan oo kala ah la hortegey masuulyiinta dawladda ee gobolka iyo kan degmada balse an cabashooyinkoodaasi waxba kasoo qaadin loogana baahnaa in masuuliyiinta dawladdu dhegeystaan waxay u qaban karaanna uga qabtaan cabashooyibnkaasi .
Wariyahayaga Gobolka Awdal: Cumar Maxamed Cumar