Somalia: Xarunta Xalane ee Saldhigga AMISOM oo qaraxyo lagu weeraray

Date:

Subaxnimadii hore ee maanta oo talaado ah ayaa laba qarax oo is-xig-xiga lagu weeraray xartunta AMISOM ee Xalane. Xarunta Xalane ayaa ku dhaw garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana sidoo kale deggan qaar kamid ah safaaradaha Soomaaliya ay ku leeyihiin dalalka shisheeye.

Qaraxyada ayaa loo isticmaaley gaari bom lagu soo xirey kaas oo ku qarxay Madina Gate oo ah isbaarada ugu horeysa ee Xalane. Qaraxa labaad ayaa ka dhacay goob ay ku sugan yihiin ciidanka nabad suguddu oo lagu magacaabo Dan wadaagta. Qaraxyada kadib ayaa la maqlaayey rasaas la is wedyaarsanayo, taas oo aan la ogeyn in kooxdii weerarka soo qaadey ay doonayeen in ay gudaha u galanaa Xalane iyo in ay ahayd rasaas ay ridayeen ciidanka AMISOM.

Dad ku dhaw goobta qaraxu ka dhacay ayaa warbaahinta u sheegay in ugu yaraan 10 qof oo meyd ah ay arkeen kuwaas oo ku dhawaa goobta weerarku ka dhacay.

Afhayeenka AMISOM Joseph Kibet ayaa saxaafadda u xaqiijiyey in weerar la doonaayey in laga dhex fuliyo xarunta xalane uu fashilmey kadib markii ay ka hortageen gaari bom lagu soo xiray. Waxa uu sheegay Joseph Kibet afhayeenka AMISOM in qasaaraha ka dhashay qaraxyada lagu soo weeraray dib ay kasoo sheegi doonaan.

Ururka al-Shabaab ayaa sheegtey weerarkan, waxaana ay sheegteen in ay dileen tobanaan askeri oo ajnabi ah.

Xarunta Xalane ayaa ah goob si weyn loo ilaaliyo, inkasta oo al-Shabaab ay horey u weerareen kuna dileen Askar ajaanib ah.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...