Somaliland: Faysal Cali Waraabe Iyo Cabdiraxmaan Cirro Oo Maanta Shir Xasaasi Ah Ku Qabanaya Caasimadda Hargeysa, Jawaab Culusna Ka Bixinaya Dhawaaqii Bulshada Ka Nixiyey Ee Komishanka Doorashooyinka Kasoo Yeedhay!

Date:

Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaridka Somaliland ee UCID iyo WADDANI Mudane Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta shirar xasaasi ah oo ay saxaafadda kula hadli doonaan ku qabanaya Caasimadda Hargeysa, kaasi oo ay kaga Fal-celinayaan Mawaaqiftooda siyaasiga ah kadib baaqii dhiillada lahaa ee shalay ka soo yeedhay Koomishanka doorashooyinka Qaranka ee ay ku shaaciyeen in gabi ahaanba doorashadii la filayay in ay dalka ka qabsoonto horraanta sannadka cusub ay dib u dhaceen.

Kulamo gooni gooni ah oo la filayo in ay xafiisyadooda ku qabtaan ayay Madaxda Axsaabta qaranku kaga hadli doonaan waxa ay ka yeelayaan ama uga meel yaalla kadib dib u dhaca la filayay marka horeba ee ay shalay Komishanku ku dhawaaqeen taasi oo gabi ahaanba meesha ka saaraysa doorashooyinkii Golayaasha Deegaanka iyo Wakiilada ee la qorsheeyey in ay dalka si wada jir ah uga qabsoomaan Bisha March ee sannadka maalmaha koobani innaga xigaan ee 2019.

Warar xog-ogaal ah oo naga soo gaadhay Ilo-wareedyo u dhuun daloola dhaqdhaqaaqa axsaabta Mucaarika Somaliland oo xalay wargeyska Foore helay ayaa waxa ay tibaaxayaan in labada Guddoomiye Xisbi ay xafiisyadooda ku kala qaban doonaan laba shir oo nuxurka ay xambaarsan yihiin yahay mid kali ah oo ah go’aan adag oo ay ka qaataan xaaladda siyaasadeed ee Somaliland ku soo korodhay iyaga oo la sheegay in ay meel adag ka istaagi doonaan Go’aanka shalay Komishanka doorashooyinka ka soo baxay iyo doorashooyinka muddo dhaafka ah ee mar kale golayaasha Wakiilada iyo Deegaanka ku sii haynaya kuraasta.

Golaha Wakiilada ayaa sannadkii 13-aad waxa ay ku sugan yihiin kuraasta tan iyo sannadkii 2005-tii wakhtigaasi oo doorashadii ugu horraysay ee Baarlamaan ay Somaliland ka qabsoonto,  waxaanay mar kale ku sii negaan doonaan xilalkooda illaa muddo aan la ogayn halka ay ku dambayn doonto. Tani waxa ay meesha ka saaraysaa gabi ahaanba dimuquraadiyaddii kali ahayd ee Somaliland dunida ka iibinaysay.

Ugu dambayn waxa la filayaa in sacadaha soo socda ay dawladaha daneeyayaasha hannaanka dimuquraadiyadeed ee Somaliland war rasmi ah ka soo saaraan dib u dhaca doorashooyinka Somaliland ku yimid kadib in muddo ah oo ay ka niyad jabsanaayeen sida xaaladda siyaasadeed ee dalku u socoto.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...