Xukuumada Somaliland Oo La Wareegtay Kaydka Haamaha Shiidaalka Iyo Khilaaf Ka Dhex Qarxay Ganacsatadii Hore Gacanta Ugu Haysay Haamaha Shiidaalka
Xukuumadda Somaliland ayaa maanta la wareegtay Haamaha kaydka shidaalka Berbera sida uu warbaahinta u sheegay maayirka Berbera Cabdishakuur Ciddin.
Madaxda shirkadda maamusha Haamaha shidaalka ayaan ka qayb-galin munaasabadda marka laga reebo hal ganacsade.
Goobta wareejinta Haamaha Shidaalka ayaa loo diiday warbaahinta madaxa bannaan.
Guddoomiyaha shirkadda maamusha Haamaha Cali Kooshin, ayaa ii sheegay in aanay jirin Haamo ay wareejiyeen.
Ganacsatada ayaa doonaya in loo celiyo lacagtii ay ku maalgashadeen.