Waxaa soo idlaaday gudashada acmaasha Xajka oo Malaayiin Muslimiin ah ay sanadkan guteen, waxaana lasoo sheegaya in halkaa ay ku geeriyooden dad badan oo Xujaaj ahi oo ay ka mid yihiin dhawr qof oo Xujay Soomaali ahi.
Dhimashada qaar ka mid ah xujeyda Soomaalida ee Sanadkaan iyo dhaawaca tiro kale ayaa timid kadib isbuurasho maalmihii ugu dambeeyey Acmaasha Xajka ka dhacday Mashcarka Mina.
Illaa imika dhimashada laga diiwaan geliyey xujayda sannadkan waxa ugu badan Xujayda ka soo xajiday waddanka Masar oo dhimashadoodu kor u dhaaftay illaa 41 Xaaji halka waddanka Aljeeriya ay dhimashadu ka marayso illaa 5 Xaaji. Soomaalida waxa illaa imika la xaqiijiyey illaa laba Xaaji. Labadan Xujeyda Soomaaliyeed ka mid ah ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen Mashcarka Mina.
Tiro kale ayaa ku dhaawacantay kadib markii ay shalay isbuurasho ka dhacday Mina, oo qiyaastii 5-KM u jirta magaalada barakaysan ee Makka.
Xujeydan geeriyootay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xaaji Axmed Maxamed Saalax oo ku geeriyooday Buurta Carafa iyo Xaaji Xasan Maxamed Jimcaale oo ku geeriyooday Mina.
Dowladda Sacuudiga ayaa sheegtay in Laba qof oo Soomaali ahi geeriyootay, iyagoo gudanaya waajibaadka Xajka, geeridooduna ay ka dhalatay isbuurasho ka dhacday Mina.
Sannad kasta ayaa waxaa jirta in ay dad ku dhintaan isbuurasho ka dhacda Xajka,waxaana dadkaasi ka mid noqda Soomaali ka mid ah dadka xajinaya balse sannadkan dhimashadu aadbay u yar tahay marka laga tago Xujayda Masaarida oo xaalad gaar ah iyagu u geeriyooday.
Xukuumadda Sucuudiga ayaa tas-hiilaad farabadan u samaysay xujaajta iyo adeegyo wanaagsan oo sannad walba lagu soo kordhiyo si loo yareeyo in wax dhibaato ahi ka dhacdo wakhtiga gudashada acmaasha xajka.
Tirada Iyo Magacyada Xujaajta Soomaaliyeed Ee Geeriyootay Iyo Waddanka Sannadkan Ugu Dhimashada Badnaa
Date: