Fadeexad Dul Hoganaysa Wasaradda Horomarinta Biyaha Iyo Shaqaale Isku Beel Ah Oo Shaqada Laga Caydhiyey
Warbixin diirda saarysa qaab dhismeedka wasardda biyaha ee somaliand oo isu bedashay hay’ad beelaysan sida laga warqabo haykalka guud ee qaranku lee yahay wuxuu salka ku hayaa nidamka isku dhafka ah ee bulshada qeybeheeda kala duwan. kaasi oo gundhig utahay inay ka dhex muuqdaan dhamaan deeganada dalku ka koobanyahay. Si kale hadaynu u dhigno waxa muhiim ah dawladnimadu inay ku dherarnaato halbeeg mujinaya saamiga tala qaybsiga kaas oo dheliga ka ilaalinaya nidaamka islamarkanaa qurux iyo dhibarsanaan u horseedaya waaxaha uu qaranku ka koobanyahay. Intaa markaan ku dhaafo araarta qormadan waxaan jecelahay inaad ila dhugataan biya dhaca qoraalkayga qalinka iyo halkuu ku qotomo .
madaxwaynaaha jamhuridda Somaliland mud: muuse biixi cabdi dhamaadkii sanadki 2017 markuu doorashada ku guulaystay wuxuu digreeto madxwayne ku magacaabay masuuliyiin cusub iyadoo wasiir looga dhigay wasardda biyaha saleban cali koore halka agaasime guudna
looga dhigay Jamaal cabdi muuse . Hadaba ujeedada wasiirka iyo agaasimaha madxwaynuhu u igmaday ayaa waxay ahayd sidii loo fulin lahaa siyaasada qaranka ee qorshaha horomarinta ee ku wajahan biyaha isla markaana wasaradu ugu dadaali lahayd sidii shacabku u heli lahayeen biyo nadiif ah oo ku filan.
Balse nasiib daro masuuliyinta loo igmaday wasaraddu waxay qaadeen dhabo kale waxayna hawlihii kaga mashquuleen siday shaqaalaha wasaradda ukala qaybin lahayeen iyo cunsurnimo,nacayb ay kula kacaeen shaqalaha wasaradda,hadaba mudooyinkii udanbeyay hadal haynta ugu badan ee bulshadu falanqaynayeen ayaa waxay tahay ka dib markii ay soo baxday xil ka qadista afar agaasime waaxeed oo mudo 24 sano ka badan ahaa hawl wadeenada wasaradda iyadoo lagu bedelay afar qof oo dabada laga keenay oo aan ahayn shaqaale dowladeed oo ka soo jeeda labada ardaa ee wasiirka iyo agasimaha ookala ah(Nuur axmed iyo habarcarfaan)
Sidoo kale waxay wasardda ka hirgaliyeen qaab dhismeed cusub oo ku salaysan habqabyaaladaysan oo ay masuuliyinta ugu saraysay wasardu kula kaceen taas oo mesha ka saraysa sami qaybsigi,cadaalad iyo sinaanti shaqalaha. Waxayna arintaasi wasardda biyaha ka dhigtay wasarad yeelatay muuqaal laba beelood oo kaliya la wareegeen mansabyadii oo kala ah (Nuur axmed iyo habar carfaan),sidoo kale qorshahan qabiilaysan ee hormuudka u yihiin wasiirka iyo agaasimuhu ayaa waxay eryeen shaqaale dhan 20 qof halkay hal mar shaqada ka eryeen 7 qof oo ka mida sahaqalaha ugu aqoonta iyo waayo aragnimada badan wasardda kana soo jeeda beel qudha (habarjeclo)iyadoo aan loo marin hab waafaqasan nidaamka shaqalaha dawaligaha. shaqaalahas oo dhamaan lagu bedalay dad debeda laga soo uruuriyay. Oo ay isku beel yihiin wasiirka iyo agaasimaha guud. Liiska magacayada qaar ka mida shaqalaha shaqada laga eryay ee isku beesha aha
No Magaca
1 Maxamed Cali samater
2 Faysal Cali Xashi
3 Eng Mukhtar Maxamed Xasan
4 Xasan Cabdi Cali
5 Maxamed Cali Sugule
6 Cali Axmed Cali
7 Bashir Xasan jamac
Hadaba waxaa qormadani idiin balanqaadi doontaa in ay qabyteed 2aad diyaar idanla tahay liiska ma suuliyiinta iyo shaqaalaah isku taxan man sibyada aanay cid tarixin ee wasaradani ka koobantahaye kuwasoo wadar ahaan noqanaya in kabadan 20 masuul oo aany haba yartee cidi
tarixin .
La socod wacan………………