Kadib markii ay dhawaan soo baxaan warar sheegaya in Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi uu ku wajahan yahay safar uu ku tago caasimadda waddanka Itoobiya ee Addis Ababa si uu ula kulmo Ra’iisal Wasaaraha cusub ee dalkaasi Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxa soo baxaya xogo hoose oo tibaaxaya in Maamul Goboleedka Soomaaliya ee Puntland uga horreeyo safarkaasi lana filayo in Madaxweynaha Maamulka Garoowe uu qorshaynyo safar degdeg ah oo uu ku tago caasimadda Addis Ababa.
Ilo-wareedyo cusub oo lagu kalsoon yahay ayaa shaaca ka qaaday in Madaxtooyada maamulka Puntland ee Garoowe ay sheegayso in Hogaamiyaha maamulkaasi C/weli Gaas uu warqad codsi ah u gudbiyay Wasaaradda arrimaha dibadda Ethioipia. Xogta aan heleyno ayaa sheegeysa in Gaas uu wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ka dalbaday in loo qabto muddo uu kula kulmo Ra’isul wasaaraha dalkaasi Abiy Axmed, taasi oo codsigoodu ku beegan yahay wakhti ka horraysa wakhtiga uu dalkaasi u safri doono Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.
Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa ka siyaasad duwan madaxdii hore ee Ethiopia, waxaana tan iyo markii xilkaasi loo doortay hab-dhaqankiisa siyaasadeed laga dheehan karaa sida aanu u xiisaynayn la macaamilka Maamul Goboleedyada dalkaasi Soomaaliya isaga oo la sheegay in uu awoodda saarayo sidii uu xidhiidh weyn ula yeelan lahaa Maamulka taagta daran ee Muqdisho balse waxaan wali la ogayn meeqaamka uu siin doono xidhiidhkii soo jireenka ahaa ee masuuliyiintii isaga xilka uga horraysay ay kula dhaqmi jireen Somaliland.
C/weli Gaas ayaa aad u daneynaaya la kulanka Ra’isul wasaare Abiy Axmed, waxa uuna qorshihiisa koowaad yahay inuu ka dalbado kawada shaqeynta amniga iyo howlaha kale ee ka hore uga dhaxeeyey maamulkiisa iyo dawladda Itoobiya halka uu sidoo kale awoodda saari doono sidii uu Somaliland uga dacweyn lahaa dalkaasi Itoobiya oo uu Itoobiya uga dalban lahaa in ay Somaliland cadaadis ku saarto sidii ay Somaliland ciidamadeeda dib uga soo qaadan lahayd deegaanka Tukaraq. Cabdiweli Gaas oo hadda ku sugan magaalada Brussels ee Dalka Belgium, ayaa doonaya in halkaasi uga sii gudbo magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, waa haddii uu helo jawaabta uu ka sugayo Wasaaradda arrimaha dibadda Ethiopia oo la sheegay in aanay wali jawaab siinin maamulka Puntland.
Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa la filayaa in uu dhawaan safar rasmi ah ku tago waddanka Itoobiya isaga oo halkaasi kula kulmi doona Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo aanay wali is arag tan iyo markii ninkaasi dhawaan la wareegay xilka hogaamineed ee waddanka Itoobiya oo ah kan xidhiidhka ugu dhaw la lahaa Somaliland tan iyo markii ay madax-bannaanineeda kala soo laabatay waddanka Soomaaliya.