Deg Deg: Cali Gurey Oo Sheegay Inu Madaxweyne Farmaajo La Kulmi Doono + Ujeedada Socdaalkiisa
Mujaahid Cali Maxamed Yuusf Siyaasi Cali Gurey aya waxa u sheegay inu la kulmi doono madaxweyne Farmaajo goor ay ahataba iyo ujeedad socdaalkiisa
Sheekada sawirkan si cad ayuu ugu taageeray Wasiirka Arimaha Dibadda ee Somaliland hadalkiisii uu warbaahinta u jeediyay. Markaa ma u bixin karnaa sawirkan (the picture of hope)
Waxan filayaa in hadii Alleh yidhaa aniguna goor ay noqotoba aan la kulmi doono Madaxwaynaha Somalia. Waayo waxan u hayaa talo hadii uu qaato u si fudud u soo af jari karo khilaafka Somaliland iyo Somalia oon ahayn wadahadal “midi midi ku taag” iyo “i jiid aan ku jiido” midna ee ah keliya mawqifka dawladdiisa oo la qurxiyo oo sida uu yahay si ka duwan loo dhigo waana loo dhigi karaa.
Waa sax aniguna waan la kulmi doonaa hadii Alleh yidhaa talooyin badana waan siin oo ku saabsan sida uu gebi ahaanba u soo af jari karo khilaafka Somalia iyo Somaliland oo aan ahayn “i jiid aan ku jiido eh” iyo “midi midi ku taag midna” ilayn diida ama ha diidina eh Caligurey waa khabiirka arimaha Somaliland eh. Wax kale khabiir kuma aha. Somaliland iyo Somalia labaduba saw waxay u baahan yihiin xal laga gaadho arinta uma baahna? hadaba hadii aan idhaa xal labadiinaba idiin cuntama sharciga caalamiga ahna ku fadhiya ayaan hayaa ma waxa la odhanayaa jooji. Weliba uma baahna wada hadal ee keliya mawqifka Muqdisho oo la qurux badnaysiiyo ayuu xalku ku xidhan yaha Somalilandna ma diidi karto waayo xaq uma laha inay diido wax ay xaq u leeyihiin shacabka Somaliland oo lagu xadgudbayaana ma jiro. Hadii aanay Faysal iyo Cali Khaliifba siinin.
Aligurey
Expert In
Somaliland Affairs