Deg Deg: Madaxweyne Biixi Oo Kulan Deg Deg Ah Iskugu Yeedhay Beel-Weynta Habar Jeclo Oo Kulan La Qaatay + Waxa U Daarna
Madaxwaynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maalintii shalayto ahayd xafiiskiisa ku qaabilay Salaadiinta Beesha Habar-jeclo inkasta oo kalanka ay ka maqnaayeen mid ka mid ah beelaha ugu wayn Beeshaasi.
Markii kulankani bilaabay ayaa waxaa markiiba layska waraystay arrimo doorra oo uu ka mid yahay Dagaalka Ceel-afwayn iyo shirka Garxajis waxaana ay salaadiinta Beeshaasi doonayeen in ay madaxwaynaha kala hadlaan tabashooyin ay qabeen balse waxaa markiiba hadalka qaatay oo muddo yar ka diba weedho muusanaw iyo beer-laxowsi iskugu jira hadalka ku bilaabay Mudane Muuse Biixi waxaanu sheegay in uu ka wararsan yahay Beesha Garxajis iyo in uu ka cabsi qabo in dagaalka Ceel-afwayn xal loo waayo.
Waxaanu ka cadsaday salaadiinta in ay kala qayb qaataan daminta colaada Ceel-afwayn wallow ay kulankaasi ka maqnaayeen Beesha Biciido iyo Salaadiintoodu oo ka mid ah beelaha dirirtu ka dhaxayso ee wadda daga deegaankaasi.
Wararka kulankan ku saabsan ee Hangoolnews hellayo ayaa sheegaya in dhinaca kale Madaxwayne Biixi ay salaadiinta ka wadda hadleen in xullufu ahaan ay madaxwaynaha ula shaqeeyaan oo Beesha Biciido iyo salaadiinteeda oo uu ka mid yahay Buur-madow-na barri (maanta) ahaan ay kulanka dambe ka mid noqdaan inkasta oo kulankan dambe in uu qabsoomay iyo in kale aan wali wax war ah laga helin,
Dhawaan ayay ayay ahayd markii Mudane Biixi uu sheegay in Deegaanka Ceel-afwayn Bishan Kowdeeda loo dirayno Odoyaal ay ka mid yihiin Madaxwaynahii hore ee Somaliland Daahir Riyaale Kaahin iyo Madaxwayne ku xigeenadii hore inkasta oo aanu qorshahaasi suurto galin Madaxtooyaduna sheegin sababta baajisay.
Shirkii beelaha Garxajis ayaa dareen dhinacyo badan leh ku abuuray Xukumadda Muuse Biixi.