Deg Deg: Wada-Hadaladii Somaliland Iyo Somalia Oo Dib U Furmay Iyo QodaBada U Ku Furmay Shirku + Muuse Biixi Iyo Farmaajo Oo Kulmi Doona
Wada Hadaladii Dawlada Somaliland Iyo Somaliya Oo Dib U Furmaaya,Nuxurka Qaar Kamida Qodobada Laga Wada Hadlaayo Oo Bedka Lasoo Dhigay+Maxaa Kamida?
Xilli dhawaan la filayo in uu dib u furmo wada hadalkii u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo Dawlada Somaliland ayaa waxaa soo baxaya warar kala duwan ku aadan ajan dayaasha looga hadlayo shirkaasi.
Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya Abukaate Mahdi Maxamed Gulled (Khadar) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in dib uu u bilaabmi doono mar kale wada hadalkii u dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya iyo Somaliland, isagoona xusay in kulamada dhex mari doona labada dhinac looga hadli doono khilaafka u dhaxeeya madaxda dowladda, Dawlada Somaliland iyo sidoo kale xiisadaha dagaalka Tukaraq
Abukaate Mahdi Maxamed Gulled (Khadar)Ra’iisal wasaare ku xigeenka dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ugu dambeyntii sheegay in ay diyaar u yihiin ka dowladd ahaan in wada hadal lagu dhameeyo xiisadaha deegaanka Tukaraq isla markaasna dhinacyada Puntland iyo Somaliland ay ka dhagaysan doonaan tabooshiyinkooda si hore loogu socdo ayuu yidhi Ra’iisal wasaare ku xigeenku.