Shimbir Baajisay Munaasabad Weyn Oo Lagu Qaban lahaa Canada

Date:

Mehrajaan balaadhan oo muusiga oo lagu qaban lahaa magaalada Ottawa ee dalka Canada ayaa dib loo dhigay, kadib markii halkii laga taagi lahaa masraxa ay ukumo ku dhashay shimbir. Sida uu qabo qaanuunka dalka Canada, waxaa loo baahanyahay ruqsad ama ogolaansho dowladda federaalka laga helo, ka hor inta aanan meesha laga kaxeynin shimbirta.

Waxaa kale oo shardi ah in qof qabiir ah oo Shimbiraha la macaamili kara, kana taxadari kara in aysan ukumaha ka jabin lasoo kireysto marka la qaadayo shimbirta iyo buulkeeda. Munaasabadda ayaa bilaabanaysa 5-ta bishan July, balse waxaa dib looga dhacay xilligii dhismaha la bilaabi lahaa ugu yaraan labo maalmood si loosoo helo ruqsadda.

Ukumaha iyo buulka ayaa waxaa la dhigayaa goob xeendaaban oo garoonka ka dambeysa, meel fogna lama geyn doono si aysan u mal wareerin shimbirta. Noocan shimbirka oo afka qalaad lagu yiraahdo Killdeer ayaanan ka mid ahayn kuwa sii dabar go’aya, balse waxaa lagu illaaliyay shuruucda federaalka ee Canada iyo Maraykankaba, waxayna ka mid yihiin shimbiraha u kala goosha deegaanada kala duwan.

Buulka ayaa waxaa lagu xeendaabay xarig jaale ah, waxaana dusha ka waardiyaynaya illaalo ay dowladda u xil saartay. “Waxaan oran karaa, waa caqabadii ugu weyneyd ee nasoo wajahday, balse waan xalin karnaa” ayuu yiri Mark Monahan oo ah agaasimaha mehrajaankan oo ay sanad kasta ka qeybgalaan kumanaan kun oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...