Masuuliyiin Sare Oo Dalka Canada Ah Oo Ka Qayb Galay Afur Waddareed Ay Samaysteen !

Date:

Haweenayda Madaxda ka ah Gobolka Ontario County ee Dalkaasi Canada Katherine Wayne ayaa waxay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Gobolkaasi kala qayb gashay afur waddareed lagu qabtay Masaajidka Khadiija ee ku yaalla  Magaalada Mssaga ee  gobolkaasi.Afurka oo uu soo abaabulay iskuna soo duba riday Maalqabeenka Magaciisa la yidhaahdo Mohamed Al-faqiih ee asal ahaan ka soo jeeda Dalka Lubnaan ayaa waxa kale oo ka soo qayb galay Wasiiro iyo madax kale oo ka  mid ah madaxda gobolkaasi,

halka ay kasoo qaybgaleen ilaa 1,000 qof oo ay ka mid yihiin siyaasiin badan oo u dhashay Dalkaasi Canada, tirada Dadka ku nool gobolkaasi ayaa la sheegay inay tahay 40% guud ahaan Dadka ku nool Dalkaasi Canada.Arrinta aadka u layaabka badan ayaa noqotay in haweenaydani madaxda ka ah gobolkaasi aanay la afurin oo kaliya, balse waxay Dadkii goobtaasi ku sugnaa soo wariyeen inay Maalintii oo dhan soomanayd oo aanay wax cunto ah cunin.

Katherine Wayne waxa kale oo ay sheegtay in sababta ku kaliftay soonka ay tahay inay dadka muslimiinta ah la dareento gaajada iyo harraadka ay dareemayaan isla markaana ay wax ka barato sida ay gaajada ugu adkaysanayaan waxanay sidoo kale sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay Dadka Muslimiinta ah ee ku nool Dalkeeda. Ninka magaciisa la yidhaahdo Cimran Mayn oo xubin firfircoon ka ah Xisbiga Liberal-ka ee Dalkaasi Canada ayaa cadeeyay in haweenaydan Madaxda ka ah gobolkaasi aanay sanadkan oo kaliya la soomin Dadka Muslimiinta ah, laakiinse ay tahay Sanadkii labaad ee ay sidaasi samayso.
Himilomedia.com

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...