Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Farrin U Direy Shacabka Reer Djabouti

Date:

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Farrin U Direy Shacabka Reer Djabouti

Madaxweynaha Somaliland oo Shacabka Reer Jabuuti Ku Hambalyeeyey 41-guurada kasoo Wareegtay Maalintii ay Gobonnimada Qaateen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shacabka dalka Jahuuriyadda Jabuuti ku hambalyeeyey sanad-guurada 41-aad ee kasoo wareegtay markii uu dalkaasi xorriyaddiisa ka qaaday waddanka Faransiiska 27-kii bishii Lixaad (June) sanadkii 1977-kii.

Madaxweyne Muuse Biixi oo khudbad dhinacyo badan habeenkii xalay ka jeediyey munaasibad loogu dabbaal-degayo sanad-guurada 58-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa shacabweynaha dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey xuska sanad-guurada xorriyadooda, waxana uu u rajeeyey horumar iyo barwaaqo, waxana isaga oo hambalyadaas diraya uu yidhi,“Waxa aan halkan hambalyo uga dirayaa hambalyo dalka Jamhuuriyadda Jabuuti gobonnimadooda oo ku beegan 27-ka June Berri , innaga oo laba waddan oo jaar ah oo aad isugu dhaw ayaa haddana labadeennii maalmood ee xorriyadduna isku xigaan, iyagana hambalyaan u dirayaa in Ilaahay sanadkaa sanadkiisa ku gaadhsiiyo bash-bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo.”

Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa xidhiidh qoto dheer oo walaaltinimo iyo derisnimo-wanaag salka ku haya la leh dalka Jabuuti, waxana labada shacab ka dhexeeya dareen walaalnimo oo aan duugoobaynin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...