Waxaa saaka garoonka diyaaraha ee magaalada Hargeysa si diiran loogu soo dhaweeyey Muj Axmed Mire oo ka mid ahaa mujaahidinta ururkii Somaliland xoreeyey ee SNM .
Mujaahidka ayaa waxaa garoonka Hargeysa ku soo dhaweeyeydad weyne aad u tiro badan iyo xubno ka mid ah ururkii SNM oo uu ka mid yahay Muj Dhego Weyne .
Ujeedka ugu weyne ee uu mujaahidku dalka u yimid ayaa la sheegay in ay tahay sidii uu uga qeyb gali lahaa shir weynaha beelaha Garxaajis oo 23 bishan ka furmi doona buurta Gacan Libaax