Somaliland: Xisbiga WADDANI Oo Xukuumadda Muuse Biixi Ku Canaantay Hoos U Dhac Ay Sheegeen Inuu Ku Yimid Meeqaamkii Somaliland

Date:

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa sheegay in xukuumadda Kulmiye laga doonayo in ay si waafi ah shacabka uga jaahil saarto heshiiska Dekedaha ee Dhex Maray Soomaaliya iyo Ethiopia in ay ku jirto Dekeda Berbera.

Sidoo kale waxa uu cadeeyay in Somaliland meeqaamkii ay ka taagnayd beesha caalamka ay hoos uga dhacday intii ay xukunka u kala danbeeyeen Xukuumaddaha Kulmiye.

Waxaana hadaladiisii ka mid ahaa  “Waxaan isleeyahay isbedelkaasi saamayn badan ayuu nagu leeyahay, sida aan dee ilaa iminka maqlayna Somaliland arrinkaas wax dareen ah kamay bixinin, waxyaabaha lagu soo qaadayna waxa ka mid ah dekedaha soomaaliya in ay soomaaliya iyo Ethiopia ku heshiiyeen.

 

Markaa waxa laga rabaa Dekeda Berbera ma ku jirtaa  in ay Somaliland ka jawaabto, xukuumada Muuse iyo muuse marna hadii ay yidhaahdaan imaaraadka ayaanu heshiis la galnay, marna Ethiopia iyo soomaaliya ka wada hadlayaan Dekedaha Soomaaliya, umadda waxa la rabaa in ay xog dhab ah ka siiyaan” ayuu yidhi

 

Sidoo kale mar la weydiiyay bal goorta uu dhaqan gelayo heshiiskii uu la galay Guddoomiyaha Ku meel gaadhka ah ee xisbiga waddani waxa uu ku jawaabay “Heshiiskii aanu ku heshiinay Cabdiqaadir iyo odeyaasha kaleba wuu hir galayaa hadii alle ka dhigo” ayuu yidhi mar uu u waramayay HCTV.

 

Sidoo kale waxa uu xusay in Somaliland ay go’doon kaga jirto beesha caalamka isla markaana xukuumadihii kala danbeeyay Ee Kulmiye ay ka gaabiyeen “Sideedaba la iskuma khilaafsana in xukuumadihii kala danbeeyay ee kulmiye, tan iyo tii horeba in halkii aynu ka joognay beesha caalamka aynu hoos uga dhacnay, laakiin dee wali rajadii way jirtaa, dedaal bay u baahan tahay, xukuumada lafteeda waxa laga doonayaa shaqada ay qabanayso mid ka badan in ay qabato” ayuu yidhi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...