Somaliland: Maxaa Ka Jira In Siyaasiyiin Miisaan Leh oo Ka Tirsan Xisbiga WADDANI Ay Ka Mid Noqon Doonaan Xukuumadda Biixi?

Date:

Waxaa labadii maalmood ee u dambeeyey isa soo tarayay wararka la xidhiidha isku shaandhayn la filayo inuu Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi ku sameeyo xukuumaddiisa, waxaana marba marba ka dambaysa isa soo taraya xubnaha la filayo inay ku soo baxaan liiska magacaabista cusub.

Siyaasiyiin mucaarid ah ayaa illaa hadda la isla dhexmarayaa in xilal kala duwan lagu tixi doono, taasoo ka dhigan inuu madaxwayne Biixi siyaasaddiisa dib u fur-furi doono.

Inkastoo wararkani ay yihiin kuwo xan u badan hadana shabakadda wararka ee Bariga Afrika ayaa u kuur gashay xaqiiqnimada wararka la xidhiidha inuu Madaxwayne Biixi magacaabi doono xubno siyaasiyiin caan ah kuwaasoo hadda ka tirsan mucaaridka, gaar ahaan xisbiga WADDANI oo ah kan ugu weyn dhanka mucaaridnimada.

Shakhsiyaadka aadka loo hadal hayo waxa ka mid ah Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo hadda ah guddoomiye kuxigeenka xisbiga WADDANI, horena u ahaa wasiirka ganacsiga iyo wasiirka hawlaha guud ee xukuumaddii Siilaanyo, hase yeeshee warkan ayaa ay ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen Bariga Afrika inuu yahay malo awaal isla markaana aanay marna Biixi iyo Cabdirisaaq Khaliif ka wada hadlin arrimahan, waxaana xusid mudan in Cabdirisaaq Khaliif uu mawqif cad ka qaatay hogaaminta Madaxwayne Biixi, markii loo cumaamday murashaxnimada KULMIYE.

Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo Ibraahim Mahdi Buubaa ayaa la filayaa in ugu yaraan ka mid ahi isku shaandhaynta ku soo baxo, waxaana xusid mudan in madaxwayne Biixi iyo Ibraahin Mahdi Buubaa uu kulan qarsoodi ahi dhexmaray sida lagu baahiyey warbaahinta u dhuun daloosha xisbiga WADDANI, halka Duur tan iyo markii madaxwayne Biixi la doortay madaxtooyada dhawr jeer lagu arkay.

Sidoo kale waxa jira siyaasiyiin kale oo meel dhexaad ka ah WADDANI oo la filayo inay xilal wasiirro kuxigeen iyo agaasimayaal ku soo baxaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...