Magacyada 7 Askari Oo Puntland Dil Toogasho Ah Ku Xukuntay Balse Wakhtigan Ka Mid Ah Ciidamada La Qaramaynayo Ee Somaliland

Date:

Maxkamadda Ciidamada Maamul Goboleedka Puntland ee dalka Soomaaliya ayaa waxa ay dorraad Khamiistii ku dhawaaqday xukun dil toogasho ah oo ay sheegeen in lagu fulin doono haddii gacanta lagu soo dhigo askar dhawaan kasoo goosatay waddankaasi Soomaaliya gaar ahaan maamulkooda Puntland kuwaasi oo isku soo dhiibay Ciidamada qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

Maxkamadda Ciidamada Maamul-ka Garoowe waxa ay xukunkan dilka ah ku soo saareen 7 askari oo ay sheegeen in ay hub iyo gaadiid ula baxsadeen deegaanka Tukaraq oo ay fadhiisin ballaadhan ku leeyihiin ciidamada Qaranka Somaliland kadib dagaaladii dhawaan halkaasi ku dhex maray ciidanka Qaranka Somaliland iyo maleeshiyaadka Soomaaliya.

Inkasta oo aanay maxkamadda joogin 7-dan askari ee ay maxkamadda Maleeshiyaadka Maamulka Garoowe xukunka ku rideen oo ay wakhtigan ciidamdaasi ka mid yihiin kuwa la qarameeyey ee Jamhuuriyadda Somaliland haddana waa ay maxkamaddu sheegtay in si kasta oo sharciga lagu hor keeni doono 7-dan askari lagu fulin doono xukunka dilka ah mar kasta oo ay Puntland u suurto gasho in ay soo qabtaan raggaasi.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Maamulka Puntland Cawil Axmed Faarax ayaa sheegay in askartaasi lagu riday xukun dil toogasho ah, kadib markii sida uu hadalka u dhigay ay raggaasi ka hor yimaadeen Puntland oo ay cadaw soo raaceen hub iyo gaadiidna u geeyeen. “Kadib Markii Maxkamaddu dhagaysatay doodda eedaymaha iyo tan difaaca qareennnada eedaysanayaasha iyo qiimaha gaadiid iyo hubka ay la baxsadeen in lagu xukumay dil toogasho ah. Waxa maxkamaddu xukunkan dilka ah ku xukuntay 7 askari oo ka tirsanaa ciidamada Puntland kuwaasi oo kala ah:

  1. Dable Jaamac Cabdi Nuur Maxamed
  2. Dable Cabdirashiid Ismaaciil Geelle
  3. Dable Maxamed Axmed Bootaan
  4. Dable Cabdi Cumar Jaamac
  5. Dable Siciid Maxamed Axmed
  6. Cabdi Dhuux Cali Xasan
  7. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ashkir” ayuu yidhi Guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Maamulka Puntland oo arrintan ka hadlayay.

Ugu dambayn Maxkamadda Ciidamada Maamulka Puntland may shaacin halka ay ku sugan yihiin ciidankaasi iyo goorta ay baxsadeen iyo hubka iyo gaadiidka ay sheegeen in ay la goosteen oo ay ula soo galeen dhinaca Somaliland oo ay xukunkan dilka ah ku rideen iyaga oo aan joogin Puntland. Muddooyinkii dambe waxa isa soo tarayay ciidamada ka soo goosta Maamulkaasi Garoowe waxaaanay tani u muuqataa cabsi galin lagu cabsi galinayo ciidamo kale oo ay ka cabsi qabaan in ay mar walba u soo goostaan dhinaca Somaliland. waxa maalmihii ugu dambeeyey maamulka Puntland ka soo baxaya awaamiir iyo hadallo aad loola yaabban yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Ethiopia: We are in full readiness to prevent any violence that may burn in our country, says Field Marshal Birhanu Jula

Filed Marshal Birhanu Jula underscored the fact that Ethiopian...

Ethiopian Premier Abbiy Ahmed maintains MoU with Somaliland will ultimately treatise

The Prime Minister of Ethiopia Abiy Ahmed Ali is...

President highlights Egyptian greed and hostility towards Somaliland

Somalia’s wish to capture Somaliland by force using Egyptian...

Abdirashid Dahabshiil hired me as I went about my duties of service to the community

Work and education were the two that I worked...